Somali News
    Hees  

Waxgaradka Beesha Sacad oo yeeshay kulan looga soo horjeestay Shirka odayaasha dhaqanka qaabka ay ku soo xulayaan ergada lagu Ansixinayso Dastuurka loo Sameynayo Somaliya

Mogadishu Talaad 22 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waxgaradka Beesha Sacad oo yeeshay kulan looga soo horjeestay Shirka odayaasha dhaqanka qaabka ay ku soo xulayaan ergada lagu Ansixinayso Dastuurka loo Sameynayo Somaliya

Qaar ka mid ah Waxgaradka beesha sacad oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay Shirka odayaasha dhaqanka qaabka ay ku soo xulayaan ergada Ansixinayso Dastuurka loo Sameynayo Somaliya. 

Shirkaan oo Mid si her sare ah loo soo agaasimay isla markaan ay ka soo qeybgaleen aqooyahano .culumaaudiin saraakiil ganacsato dhalinyaro ,haweeyn iyo bulshda qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa googosha dhigay suldaan Canaasir jaamac Seed oo ah sulkaanka abeelahaa sacad siciid wuxuuna Ujeedada shirkaani ku saabsanaa wada tashi iyo wanaag iyo in la osla meel dhigo arimaha beesha dahxdeeda ah oo uu suldaanu saluga sida ay wax u socdaan iyo sidii beeshu ahaan jidhay . 

Tan iyo markii ay bilaabatay shirka madax dhaqameydyada uga socdo magaalada Muqdisho lagu ahnweynaa in ay ka soo baxayso natiijo lagu kalsoon yahay laguna ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka ayna ka dhursugayeen bulshada weynta Somaliyeed iyo beesha caalamku ayaa waxaa soo baxayo in ay beelaha ay ka soo jeedaan khilaaf hareeyo lagana yaabo in uu dib u dhac ku yimaado ansixinta qabyo qoraalka dastuurka si loo gaaro xiliga doorashada madaxtinimo ee dalka waxaana asii badanaya dahliilaha loo jeedinayo. 

Suldaanka ayaa u mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha shirka isaga oo amaan u jiidiyey beeshiisa wuxuuna ka afeeftey in aan gogosha loo maleyn in uu dano gaar ah ka leeyahay wuxuuna ugu duceeyey in alle sharaftii iyo wanaagii beesha sacada lagu yiqiinay u soo celiyo .

Suldaan Cabdinaasir Jamac ayaa ka dhaliilay iyo diidmo ka keenay shirweynaha loogu yeeray odoyaasha dhaqanka ee tiradoodu uu ku sheegay in ay garayaan 135 oday la marin haaabiyey jidkii loo maray.

“waxaa loo yeeray dhaqan dhaqan dhalay waxaana goobta tagay ganacsato iyo dad aan u qalmin oo meel dhaxe laga abuurtay “

“Odoyaasha dhaqanka ,haweenka iyo dahlinyarada beesha sacd waa k adhiidhiyeen arintaa waana ka xumaadeen “

“Shireynihii odoayaasha dhaqanka somaliyeed la isugu yeeray beesha sacad cidna uma jirto cid la ogyahay oo ay beeshu dirsatay ma jirto waana meel ka dhaca weyn oo beesha lagu sameeyey “

Suldaan Cabdinaasir Jamac ayaa tilmaamay in dhaqankii beesha lagu sameeyey dhac iyo boob aan loom eel dayin ayna tahay markii 3aad ee arinaas lagu sameeyo sidii ka dhacday Imbagthi ,Djibouti iyo mida hada socoto oo uu sheegay hadii isagu uusan ka gaabsan laheyn meyd badan uu ka dhaxdhici lahaa beesha dhaxdeeda.

Suldaanka ayaa ku eedeeyey in arinta ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo Ganacsato ay ka mid yihiin Axmed Ducaale geele xaaf ,Maxamed faarax Jimcaale iyo madaxweynaha Galmud Sate Axmed Maxamed caalin iyo Rag kale oo uusan carabaabin Suldaanku wuxuuna hadalkisa sii raaciyey in Caalin u xushay in ay ragaasi yihiin oday dhaqameeydyada beesha sacad siciid

“Hadii ay durbaaankaas Xadeen meeshiiay ku yeerinlahaayeena iyaga ayaa la donayaa wuxuuna wacad ku marey in shirkaas wixii ka soo baxay aysan quseyn doonin beesaha sacad wuuxuuna uga digey dadka ku howlan in ay amrin habaabiyaan dhaqanka beeshasacad in ay ka wantoobaan .

Suldfaanka ayaa madaxda dowlada KMG canbaareyn dusha uga tuurey wuxuuna sheegay in wax walbo ay saxiixaan gaar ahaa Raiisal was are C/weli iyo wasiirka Arimaha gudaha oo uu sheegay in ay caalin u saxiixeen ganacsato isku magacaabay oday dhaqameydyo ayna jiraan beelo sidaan oo kale ka cabanaya nhabka xulida oday dhaqameydyada.

Cabdinaasir Jamac ayaa ku macneeyey burburka beesha soo gaaray inay ugu wacan tahay ismaqal la'aanta beesha dhaxdeeda ah.

Nabadoon Maxamed Jaamac Dirir oo ka mid ahaa odoyaasha goobta ka hadlay ayaa sheegay in ragaasi ay qorteen kuwii xildhibaano u dooran lahaa heshiisna kula galeen in iyaga uun ay soo magacaabi doonaan xildhibaanda beeshu yeelaneyso shirka ka dib iyaga oo heshiis kula galay aan dhaqan kaa dhige xildhibaan ma iga dhigeysaa waxay soo jeediyeen in waxaasi yihiin wax yar lana doonayo inay beesha dhaxdeeda dhibaato iyo colaad ka abuurin.

Marwo Maryan Cabdi Cabdiraxman ( maryan dagaari ) oo iyane goobt hadal dheer ka jeedisay ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay dhaleeceenta loo jeediyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo ganacsatda ka soo jeedo beesha sacad iyada oo soo jeedisay in aan beesha laka saarin isku midna wada yihiin waxayna soo jeedisay in shirkaan ay ka soo baxaan wax cad oo aan kala dhantaaleynin midnimada beesha sacd.

Guud ahaan shirkaan ayaa masuuliyiintii kahadashay intooda badan ka qeybgalayaasha u soo jeediyeenin laga wada shiqeeyo sidii loo heli lahaa midnimada beesha sacad.

Shirka madax dhaqameydka ee soo xulayo ergada ka qeybgalaysa ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa ka soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo sidii loo xulay iyada oo ay qeyladaan ka soo yeereyso beelaha ay sheeganyaan in ay matalaan.






 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)