Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dagaal qararaar ku dhexmaraya Degmada Dayniile iyo duleedka Ceelasha Biyaha

Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dagaal qararaar ku dhexmaraya Degmada Dayniile iyo duleedka Ceelasha Biyaha.

Waxaa saakay aroortii hore Magaalada Muqdisho ka curtay dagaalo u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasi uu ka socdo degmada Dayniile, waxaana Magaalada oo dhan laga maqlaayaa Hubka Culculus ee dagtaalkaasi la isku adeegsanaayo.

Dagaalka ayaa weli soconaaya, iyadoo dabaabaadka Ciidamada AMISOM iyo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Military-ga Dowladda KMG ah ay ku gur guuranaayaan jiida hore ee uu dagaalku ka soconaayo.

Al-Shabaab ayaa ku faantay inay horay u ogaayeen dagaalka, islamarkaana ay u diyaargaroo been sidii ay isaga cabin lahaayeen ciidamada Isbahaystay ee AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.

Dowladda KMG ah ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socda qeybo ka mid ah Degmada Deyniile iyo duleedka Ceelasha Biyaha, iyadoo warar hoose oo ka soo baxaya saraakiisha Dowladda KMG ah ay sheegayaan inay doonayaan deegaano dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin inay ka sifeeyaan, sida Ceelasha Biyaha iyo Dayniile.
Dagaalka ayaa waxaa saakay qaaday ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli ay dowladdu ciidammo badan ku daadguranaysay labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidamo fara badan.

Dhanka kale dagaalka ayaa hadda aad u kululaaday, iyadoo la soo sheegayo in Ciidamada dowladda KMG ah ay qabsadeen deegaan dhinaca duleed ah, waxaana la sheegayaa in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado Helicopter-s ah oo nooca wax duqeeya ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)