|
Hogaamiyaasha Dhaqanka oo dhaliilay qaabka shirka odayaasha ee ka socda Magaalada Muqdisho
Mogadishu Arbaco 23 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hogaamiyaasha Dhaqanka oo dhaliilay qaabka shirka odayaasha ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Kulan dood ah oo ay ka qeyb galeen hogaamiyaasha dhaqanka Soomaliyeed
kuwa ugu magaca weyn loogana hadlayay muuqaalka uu yeelanayo masiirka
umda Soomaliyeed iyo wadada loo marayo sidii lagaga gudbi lahaa
xiliga ku meel gaarka ah ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee
Magaalada Muqdisho.
Intii aay socotay dooda waxaa la isku weydaarsadey talooyin iyo
su’aalo xog kororsi ah oo dhamaantood ku wajahnaa xaalada kala guurka
ah iyo baadi doonka isbadal cusub oo ku yimaada hanaanka guud ee
Soomaaliya .
Dooda waxaa bud dhig looga dhigey in dib u eegid iyo turxaan bixin
lagu sameeyo shirka madaxda dhaqanka ee ka socda caasimada Soomaaliya
ee Muqdisho, waxaana aqoonyahanadii iyo qeybaha ururda bulashada ee ka
qeyb gashey soo hor fariistey Ugaas Cabdulaahi Ugaas xaashi faracade
Ugaaska beesha murusade ,ugaas Maxamud Cali Ugaas Ugaaska beesha
mudulood Garaad Jaamac Garaad Cali garaadka guud ee beesha dhulbahante
Suldaan maxamed Jaamac shire suldaanka beesha layli kase Garaad Jamac
Garaad Ismaciil iyo ugaaska guud ee beesha direed.
Doodan oo aay soo qabanqaabiyeen haya,ada cilmibaarista iyo
wadatashiga ee CRD iyo Telefishinka Universal waxaa hogaamiyaasha la
weydiiyey sida aay u arkaan xulida dubabka dhaqanka oo ka kooban 135
odey iyo shirka ka socda mogdishu ee odayasha waxyaabaha aay u arkaan
qaladaad abuuri kara dib u dhac iyo sida xal loogu heli karo sidaas oo
kale waxaa wax laga weydiiyay sida aay u dhici karto in aay
dhexdhexaad u noqdaan siyaasiyiinta damaca siyasadeed leh iyo madaxda
dowlada.
Odyaasha dhaqanku waxeey dhaliileen qaabka ka qeeybgalka odyaasha
dhaqanka ee shirka mogdishu aygoo hoosta ka xariiqay in soomliya
aaysan laheeyn 135 duub aygoo cadeeyay in aay jiraan duubab cusub oo
la abuurey waxeeyn xukuumada kumeel gaarka ah ku eedeeyeen in madaxada
dhaqanka aan loo madaxbanaaneeyn howlahooda, hogaamiyaashu waxeey
sheegeen in aay u taagan yihiin sidii xal looga gaari lahaa xaalada
soomaliya.
Odoayaashu waxeey soo jeediyeen :-
1-in dib u eegid lagu sameeyo qaabka ka qeeyb galka odoyaasha dhaqan
2- in odoyaasha loo madaxbanaaneeyo howlaha loo idmaday si aay
waxqabadkooda cadalad ugu saleeyaan.
3-in xukuumadu aaney ku dagdagin in shir loo qabto hogaamiye dhaqameed
aan la turxaabixin .
4-Odayaashu waxeey ka codsadeen dowlada in aay soo bandhigto dastuurka
qabyada ah si shacbiga awood ugu yeesho in aay ka qeeyb galaan
taladiisa.
5-hogaamiyaasha dhaqanku waxey ku baaqeen in aan la marin habaabin
qorshihii qariidada nabada.
Hogaamiyaasha dhaqanku waxeey iska fogeeyn ineey lug ku leeyihiin
qabanqaabada shirka odayaasha ee ka socda magaalada mogdishu ayagoo
sheegay in dhinacooda aaney wax war ah ka heyn hanaanka shirku u socda
ilaa hadana aan loo soo bndhigin qorshe howleedka.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|