|
Maydka Askari Ciidamada AMISOM ah oo deegaanka Ceelasha Biyaha lagu jiid jiidaayay
Mogadishu Arbaco 23 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maydka Askari Ciidamada AMISOM ah oo deegaanka Ceelasha Biyaha lagu jiid jiidaayay
Wararka aanu ka helayno Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in maanta lagu soo bandhigay askari ka mid ah ciidamada AMISOM oo lagu dilay dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Dayniile.
Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegay in askariga lagu jiiday jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayna halkaas isugu soo baxeen dad aad u badan si ay maydka u arkaan, kuwaasi oo ahaa kuwo taageersan Al-Shabaab.
Madaxada AMISOM ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab ee ah askarigaasi ay dileen, islamarkaana ay ku jiid jiidayaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Dhanka kale waxaa deegaanadaasi ka soconaaya barakac aad u wayn, iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa ku socda wadooyinka ka baxa Muqdisho, iyadoo ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay si buuxda u sheegeen inay guulo ka gaareen dagaaladii labadaan maalmood ka soconaaya Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|