|
Ronaldo oo is mahadiyay iyo Pique oo meel fariiso ku yiri..!
Arbaco 23 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ronaldo oo is mahadiyay iyo Pique oo meel fariiso ku yiri..!
Xidigga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in xilli-ciyaareedkan si kale uma garatide uu isa siin lahaa 10-kiiba 10 (100 %) halka kooxda uu u ciyaaro ee Real Madrid uu siiyay 10-kiiba 9 (90 %).
Kooxda Madrid oo mudo ku celcelinaysay sida ay uga go’antahay qaaditaanka koobkeedii 10-aad ee Yurub ayaa sanadkan mar kale hankaa ku hungoowday balse Ronaldo ayaa balanqaaday inay sugistaasi dhowaan dhamaan doonto.
‘’Waan dhoweeyn sanadkan, lkn waa inaan is dejinaa, koobka 10-aad wuxuu iman doonaa sanadkan ama kan xiga’’ ayuu yiri Ronie oo ka gaabsaday mar la waydiiyay inuu sanadkan u qalmo kubadda dahabka ah iyo in kale.
‘’Aniga maaha cida go’aamineysa qofka u qalma, lkn sanadkan cajiib baan ahaa’’ ayuu isku amaanay.
Si kastabase Gerard Pique oo la waydiiyay is boqritaanka saaxiibkiisii hore ee Man Utd oo 10-kiiba 10 isa siiyay ayaa kaga jawaabay. ‘’Ma jirto sabab aad lambarro ugu qiimeeyso bandhigaaga. Anagu koox ahaan uma xumeeyn balse nasiibkaa naga eexday’’ ayuu yiri Pique.
GOOL FM
Inter iyo Juve oo dagaal ugu jira saxeexa Destro..!
Kooxaha Inter iyo Juventus ayaa labaduba wada hadal kula jira kooxda Genoa si ay ugala hadlaan saxeexa xidiga soo baxaya Mattia Destro.
Weeraryahankan oo ay saxeexiisa qayb ka leedahay kooxda Genoa ayaa lagu wadaa inuu u wareego koox wayn xagaaga soo aadan kadib markii uu 12 gool ka dhaliyay horyaalka Talyaaniga.
Si kastabase waxaa arintiisa la xalin karaa uun marka ay is fahmaan kooxaha laacibka isla leh ee Genoa iyo Siena iyadoo sida ay qortay majaladda La Gazetta dello Sport ay kooxda Genoa 5 milyan oo Euro ugu tala gashay kooxda Siena oo 6 milyan ka dooneysa.
Kooxda Inter ayaa 7 milyan oo Euro ugu yaboohday kooxda Genoa si ay bar uun uga iibsato saamiga xidiga taasoo 3 milyan ka hooseeysa qiimaha ay Genoa ku doonayso laacibkan curdanka ah oo ka mid ah xulka 21 jirrada ka yar ee Talyaaniga.
Juventus ayaa iyadu dooneysa inay si toos ah laacibkan u iibsato iyadoo kaash iyo laacibiinba la diyaar ah sida Ciro Immobile (oo ay 50 % la leedahay kooxda Genoa), Marcelo Estigarribia iyo Luca Marrone.
GOOL FM
Di Carlo: ‘’Acerbi AC Milan wuu istaahilaa’’
Macalinka kooxd Chievo Verona Domenico Di Carlo ayay ka dhaadhacsan tahay in laacibka da’da yar ee kooxdaas daafaca uga ciyaara Francesco Acerbi uu leeyahay tayooyinkii looga baahnaa laacib Milan heerkeed ah.
Laacibka dambeedka dhexe ka difaac gala ayaa si wayn loola xiriirinayaa inuu Rossoneri ku biiri doono iyadoo uu macalinkiisu aaminsan yahay inuu dhaqse ugu biiri doono Giro Azzurro.
‘’Acerbi waa u diyaar koox wayn’’ ayuu yiri Di Carlo oo la hadlayay Sky Sport Italia. ‘’Wuxuu leeyahay shaksiyad wanaagsan, wuu dheereeyaa welibana wuu korayaa’’ ayuuna raaciyay.
Daafacan 23 jirka ah oo ay isla leeyihiin kooxaha Genoa iyo Chievo ayaa gool madi ah u saxeexay kooxda Chievo 17 kulan oo uu saftay tan iyo intii uu rigli ka noqday safka 1-aad ee kooxdaas isagoo shalaytoole laftiisu sheegay inay riyadiisu rumoobi lahayd hadii uu Milan ku biiri lahaa.
GOOL FM
Aguero iska fogeeyey inuu Madrid u socdo
Weeraryahanka kooxda Man City Sergio Aguero ayaa dhulka soo dhigay wararka isaga la xiriirinaya kooxda Real Madrid.
Tiiyoo ay jirto inuu sodogii oo ah Dego Maradona wiilkiisa ku boorriyay inuu ku biro safka cad cadka hadan Aguero ayaa hoosta ka xariiqay inuusan meelna uga soconin kooxda Citizens.
‘’City baan usii ciyaarayaa, maanta qof kasta iyaduu sare usoo eegayaa, sidaa darteed ma doonayo inaan tago. Waanse go’aansan doonaa marka aan baxayo balse hadii aan iraahdo waan joogayaa, waan joogayaa’’ ayuu Aguero u xaqiijiyay idaacadda La Red.
GOOL FM
Hulk oo halgan ugi jira inuu Chelsea Drogba u bedelo
Ciyaaryahan Hulk ayaa diyaar u ah inuu Chelsea ka bedelo arbaha ay da’du u run sheegtay ee DD sida maanta lagasoo koobiyay wakiilka laacibkan.
Teodoro Fonseca oo ah wakiilka Hulk oo sabtigii daawanayay kulankii dhamaadka koobka horyaallada Yurub ayaa sheegay inuu ka warqabo xiisaha ay kooxda reer London u muujineyso macmiilkiisa.
‘’Waannu u furanahay wada hadal aynu Chelsea la galno waqti kasta’’ ayuu yiri Fonseca oo raaciyay. ’’Aad buu u jecelyahay Premier League, Chelsea-na waa koox ku qaabsan Hulk’’.
GOOL FM
Man Utd iyo Arsenal oo isku haysta muluqa Crewe Alexandra
Kooxda Arsenal ayaa dhowaanahanba lala xiriirinayay xidigyare ka tirsan kooxda Crewe Alexandra oo ka ciyaarta League 2-ga dalka Ingiriiska.
Balse iminka ayay Man Utd safka soo camirtay iyadoo 4 milyan oo gini iska soo hormarisay si ay Gunners uga xayuubiso rajadii ay xidigaasi yar ku xod xodan lahaayeen.
Si kastabase wargayska The Mirror ayaa tibaaxaya in muluqan 18 jirka ah oo ka tirsan qaranka da’yarta Ingiriisku aanu Arsenal uga baxsan doonin dagaal la’aan oo ay saxeexiisa ku mintidi doonto maadaama ay fara dhuudhuuban u leedahay soo saarista xidigaha yar yar.
GOOL FM
Chelsea oo qarka u saaran inay la wareegto Jose Carlos.
Kooxda Chelsea ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso saxeexa xidigyaraha kooxda Malaga ee dalka Spain Jose Carlos Nogueira Junior ama si fudud Jose Junior.
Jookarkan 21 jirka ah ee weerarka ka ciyaara ayay mudo cayrineysay kooxda Chelsea oo saxeexiisa jamatay iyadoo in badan garoomada uu ku ciyaarayo lagu arkayay raga wax u ilaaleeya kooxda Chelsea FC.
Wargayska La Opinión de Málaga ayaa sheegaya inaysan jirin wax hor istaagi kara inuu laacibkaasi Stamford Bridge iska xaadiriyo kadib markii ay Chelsea miiska soo saartay qorshe aysan qoyskiisu iska cabin Karin marka la barbar dhigo kan Malaga.
GOOL FM
Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail,com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|