Somali News
    Hees  

Xafladdii 18 may ee dalka china gaar ahaan magaalada wuhan iyo wacdarihii habeen hore ka dhacay

Hargeysa arbaco 23 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xafladdii 18 may ee dalka china gaar ahaan magaalada wuhan iyo wacdarihii habeen hore ka dhacay

Maalinta qarannimada Somaliland ee 18 may ayaa xalay si balaadhan looga dabbaal degay dalka china , iyada oo la qabtay xaflad ballaadhan oo dhamaan ba jaaliyada Somaliland ee china qaybaheeda kala duwan ay kasoo qayb galeen.

Xadladda 18 may ee xalay la qabtay ayaa ahayd xaflad malmahan ba la naawilayay oo diyaar garawgeeda si mug leh looga dareemayay guud ahaan dalka China.

Xaflada 18 may ee xalay magaalada wuhan Ee Gobolka Hubei lagu qabtay oo dhammaan ba ka duwanayd xafladihii hore uga dhici jiray oo sanad ka ay hal goob isugu yimaadeen ardayda gobolada Hangzhou , Shandong iyo wuhan, sidaa awgeed na ay tiro aad u badan oo ardayda Somaliland ahi ay soo cammireen iyo waliba qaybaha kala duwan ee jaaliyada Somaliland ee china.

Ugu horrayn xaflada waxaa furay xidhiidhiyaasha barnaamij ka daadihinayay waa nagwa ismaaciil iyo c/fataax maxamed iyaga oo xusay in maalintani mudan tahay in loo dabbaal dego islamarkaana caawa barnaamijyo soo jiidasho leh xafladda loogu talo galay, intaa ka bacdi waxaa si toosa cod baahiya looga wareejiyay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee China Dr: Ciise Xasan Cumar.

Gudoomiye ciise xasan ayaa ka waramay qiimaha maalinta 18 may ay u leedahay dhamaan ba shacab ka reer Somaliland meel kastay joogaanba , gaar ahaan jaaliyada china ee Somaliland ay dareen gaar ah ku leedahay isla markaana ay tahay habeen ka kaliya ee ay jaaliyada Somaliland muujiyaan.

Shucuurtooda , sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyay xuska 18 may awgeed gaar ahaana wuxuu si khaas ah hambalyo iyo salaam ugu diray madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo golayaasha qaran. Gudoomiye ciise wuxuu si gaar ah ugu mahad celiy hogaan ka xisbiga kulmiye Muj: muuse biixi cabdi, muj: maxamed kaahin axmed iyo Axmed Abdi dheere oo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaray qabsoomidda xafladan.

Gudoomiye ciise wuxuu xusay in xafladan ay si gaar ah agaasim keeda xil isaga saareen ururka arday Somaliland ee china , ugu dambayntiina wuxuu u mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay abaabul ka xafladan

Sidoo kale madasha isna waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeen ka jaaliyada Ilyas maxamed sh. Faarax oo isna si mug leh u cabbiray dareen kiisa , iyo waajibnimada xuska 18 May in loo dabaal dego .

Xafaladda ayaa ahayd mid heer sare loo soo agaasimay oo dhamaan ba la dhaceen dad yawgii kasoo qayb galay , lakin arrinta xiisa lahayd waxay ahayd markii madasha laga sii daayay fariin video ah oo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed maxamed maxamuud ( siilaanyo) uu usoo diray qurbajoogta somaliland isagoo hambalyo iyo bogaadin usoo diray jaaliyada Somaliland ee china , iyadoo oo hool kii xafladu ka socotay uu markaliya sacab isla oogsaday aadna loogu riyaaqay kalmadda hambalayada ah ee madaxweynuhu soo diray .

Waxaa iyana xusid mudan in xaflada lagu gudoon siiyay jaamacadii ku guulaysatay koob kii xuska 18 may ee loo dhigay ardayda jaamacadaha wax kabarata waa jaamacada wuhan institute of technology.

Guntii iyo gabogabadii waxaa xaflada lagu soo bandhigay barnaamijyo xiiso leh oo ay ka mid ahaayeen riwaayad qosol iyo maadays badan leh, bakhtiyaanasiib iyo qaar kaloo badan ....














waa diyarintii iyo isku duba ridkii

wariye : c/risaaq xasan cali

tel: 008613554124011

email: saacidlove@hotmail.com

chine

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)