|
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay inay maalmaha soo socda ku qabsanayaan Degmada Afgooye
Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay inay maalmaha soo socda ku qabsanayaan Degmada Afgooye
Wasirka gaashaandhiga xukuumadda KMG ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa sheegay in labada cisho ee soo socota ay kula wareegayaan gacan ku hayntadegmada Afgooye ee G/Shabeeladda Hoose.
Wasiirka gashaandhiga waxaa uu sheegay in dawlada iyo taliska ciidamada AMISOM ay dajiyeen qorshe diyaarsan sida uu sheegay oo la doonayo in Xarakadda Al-Shabab looga faro maroojinayo degmada Afgooye
Wasiirku waxaa uu xusay in ujeedyooyinka xilligaan loo qaaday howlgaladaan ay tahay in la xaqiijiyo amaanka wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoon aan wax dhibaato ah loo gaysanayn dadka shacabka ah ee deegaandaasi horey ugu barakacay.
"Ujeedadeenu waxay tahay inaan rayidka la waxyeeleyn iyo inaan sugno amaanka waxana labada maalmood ee soo socoto ciidamadeenu ku tagi doonaan Afgooye " ayuu yiri Xuseen Carab Ciise wasiirka difaaca xukuumadda KMG ee Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise waxaa uu sidoo kale tilmaamay inay sii sooconayaan dagaalada ay Shababka kula jiraan islamarkaana ay gaarsiin doonaan gobolada dalka oo dhan.
Sidoo kale taliska ciidamada AMISOM ayaa iyagana war ay soo saareen waxay ku sheegeen inay dileen sarkaal muhiim ah oo Shabab ka tirsanaa kadib markii ay bu buriyeen gaadiid uu la socday waxaana ay sheegteen inay degmada Afgooye u jiraan wax ka yar 4 km.
Q,M ayaa sheegtay inay boqolaal ruux oo yarid ah oo markii hopre ka barakacay magaalada Muqdisho ay daadsan yihiin wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo hadda dagaaladu gaareen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|