Somali News
    Hees  

Cumar Shariif Jeeg: "Beelaha Banaadiriga way ka soo horjeedaan in xaqooda qof kale qaadato amaba lagu tunto sida horayba u dhacday"

Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Cumar Shariif Jeeg: "Beelaha Banaadiriga way ka soo horjeedaan in xaqooda qof kale qaadato amaba lagu tunto sida horayba u dhacday"

Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha Banaadiriga Md. Cumar Shariif Jeeg oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay dhibaatooyinka beelahooda soo wajahay, gaar ahaan xilliga kala guurka, xaqa beelaha Banaadiriga ay u lahaayeen inay ka helaan Dowladda KMG ah.

"Madaxweyne Shariif hala weydiiyo hal qof oo ka mid ah beelaha Banaadiriga haddii uu u qaaday waxbarasho dalka dibadiisa ah?" ayuu isweydiiyay Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada beelaha Banaadiriga oo sidoo kale ku eedeeyay Dowladda KMG ah xubnaha ugu jira beeshooda inay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ka soo jeeda Banaadiriga ah, iyagoo taasi bedelkeeda ka door biday inay danahooda gaarka ah kaliya ku mashquulsan yihiin.

Xildhibaanada beelaha Banaadiriga ah ee ku jira Baarlamaanka KMG ah ayuu sheegay Guddoomiye Cumar Shariif Jeeg inay shacabkooda soo dhex fariistaan lana xisaabtamaan, si ninkii wax u qabtay dadkiisa uu mar kale fursad ugu helo in la soo doorto, wuxuuna caddeeyay in beelaha Banaadiriga ah ay taageersan yihiin qof kasta oo mansab siyaasadeed
dooneysa isla markaana ka shaqeyneysa danaha beelaha Banaadiriga iyo danaha guud ee Qaranka.

"Waxaan ka soo horjeednaa shaqsiyaadka dhahaya "Shariif aya i wato, Madaxweyne K/Xigeenka Kenya ayaan ka socdaa, waa yaab Madaxweyne K/Xigeenka Kenya maxaa ka galay arrimaha Soomaaliya, ma aqbali doono xubin mataleysa beelaha Banaadiriga oo aan dadkeeda soo dooran" ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

Dhinaca kale Guddoomiyaha midnimada beelaha Banaadiriga waxa uu ka hadlay cadaadiska Dowladda KMG ah ay ku saartay inay dadku ka bannaanbaxaan wax kasta oo tabanayaan, wuxuuna sheegay in haddii lagu xadgudbo beelaha Banaadiriga ay ka bannaanbixi doonaan, xitaa haddii loo diido inay dibadda u soo baxaan ay guryahooda dhexdooda ku bannaanbixi doonaan.

"Beelaha Banaadiriga waxay soo dhoweynayaan isla markaana qaadanayaan go'aanka imaamka iyo malaaqyadiisa Malaaq Abooki iyo Malaaq Aweys Cali Boolaay, cidii diidana waxay la mid tahay iyadoo diiday Sheekh Shariif iyo Sheekh Abba oo kale" ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

Waxa uu sheegay in kuwa mucaaradaya imaamka beelaha Banaadiriga ay yihiin kuwii cabay dhiigga beelaha Banaadiriga ee u soo qaaday magaca Otherska kuna tuntay xuquuqda dadka beelaha Banaadiriga ah, wuxuuna sheegay in beelaha Banaadiriga ah markaan ay diyaar u yihiin inay xaqooda raadsadaan indhahoodana furan yihiin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)