Somali News
    Hees  

Barkacayaasha Duleedka Magaalada Muqdisho oo mar kale bilaabay inay sii barakacaan.

Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Barkacayaasha Duleedka Magaalada Muqdisho oo mar kale bilaabay inay sii barakacaan.

Wali waxaa kacsan xaaladda deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa wali ku jira dhulka howdka ah ee deegaanada Ceelasha Biyaha iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow deegaankaasi halka Shabaab ay faarujiyeen deegaanadaasi oo ay u jihaysteen gobolada kale ee dalka oo ay maamulaan.

Xiisada jirta awgeed waxaa jirta baqdin ku aadan in mar kale ay dagaalo ka dhacaan deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dadka ay yihiin kuwa ka faa’ideysanaya daganaasho aan buurneen oo jirta, iyaga oo la arkayo dadka oo badankooda cagahooda maalaya oo qaarkood dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho halka qaar kalana ay u barakacayaan gobolada kale ee dalka.

Gawaarida yar yar ee raaxada iyo kuwa Xamuulka ayaana saakay ukala harin soo daabulida inta kahartay barakacayaashi kusugnaa duleedka Muqdisho iyadoo qaxa dadkaanina lakala geenayay magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamada Alshabaab ay qoysaska ka barakacaya duleedka Muqdisho ku amrayeen in wixi rag ah aysan ka bixin karin deegaanka.

Wadada udhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye ayaa ah mid ay camireen gawaarida daabulayaa barakacayaasha dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho iyodoo sidoo kale soo daabulida dadkani ay qeyb kaqaadanayaan nuucyada gaadiidka Soomaalida oo idil oo ay kujirto gaari dameerada iyo gaari gacanada.

Fursaa kaliya ee barakacayaasha duleedka Muqdisho xiligaan heestaan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)