|
Wasiiru Dawlihii Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Iyo Guryeynta Oo Shaqaaqadii Warshada kabista ku Eedeeyay Cali Warancade-na Ku Tilmaamay Fidmo Wade ubaahan in dadka laga Qabto.
Khamiis 24 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasiiru Dawlihii Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Iyo Guryeynta Oo Shaqaaqadii Warshada kabista ku Eedeeyay Cali Warancade-na Ku Tilmaamay Fidmo Wade ubaahan in dadka laga Qabto.
Wasiiru dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa siyaasiga Cali Maxamed Waran-cade oo ay golaha wasiirada ku wada jireen wakhtigii xukuumaddii Rayaale ku eedeeyey in uu ka dambeeyey falka dhacdadii ciidanka Qaranka lagu laayey ee dhawaan ka dhacday bariga magaalada Hargeysa.
Shucayb Maxamed Muuse oo habeenkii xalay wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Caalami ayaa ka waramay dhacdadii ciidanka Qaranka lagu laayey ee ka dhacday Xeradii Soodaanta ee bariga Hargeysa ku taalay iyo saameynta ay bulshada ku yeelatay.
Wasiiru dawlihii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo dhacdadii maalintii dhaweyd qolada maleeshiyaadka ah weerarka ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka xeradii la odhan jiray Suudaanta, kolay dalkeenu waxa uu ku soo caano maalay nabadgelyo iyo isu tanaasul, taariikhdana waa markii koowaad ee dhacdo in xero Ciidan qaran degan yahay magac beeleed lagu soo weeraro aad baan uga xumay, waxaanan jecelahay in aan ka tacsiyadeeyo dadkii falkaa ku dhintay aniga oo ka tacsiyadeeyeynaya ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen ragaasi, waana ayaan darro in Ciidan Qaranka lagu dilo caasimada, waxaanay ahayd in lagu dilo furanta dagaalka oo ay qaranka u dhintaan, laakiin tani dhacday anigu mid ayaan darro ah ayaan u arkaa, taas oo uu madaxa ka toogtay ninkii uu ilaalinayey ama shacabkii uu ilaalinayey waa arin aad iyo aad u fool xun, waana dhacdo aan waligeed ka dhicin Somaliland waana kow, arintaasi markii ay dhacday dawladda ama Maxkamada Ciidanka qaranku waxay ka soo saartay go’aan cad, kaas oo ahaa go’aan kala badbaadinaya shacabka Somaliland, go’aankaasi oo ahaa in la soo qab qabto dambiilayaashaasi laayey Ciidanka Qaranka, waxaanan u mahadnaqayaa Ciidankii soo qab qabtay, kolay xukunkii dhacayna waxaan u arkayey xukun cadaali ah oo shareecada Islaamka waafaqsan oo xeerarka inoo yaala waafaqsan oo shareecadu waxa weeyaan haddii aad qof disho oo idinka oo toban qof ah aad qof dishaan shareecadu way idin dilaysaa, maadaama oo ay weerarka soo wada qaadeen oo gacanta lagu dhigay iyaga oo falkii ku gudo jira oo ay iyaguna qirteen, markaa waxaan Dawladda leeyahay ha fuliso go’aankaasi oo jiritaanka Somaliland ayey ilaalinaysaa, Dawadnimada ayey ilaalinaysaa oo nimankaa falaagada ah ee xerada Ciidanka Qaranka soo weeraray waa inay go’aankaasi maxkamadu ku dhawaaqday ku fuliso waana badbaado oo waayo haddii ay fulin weydo dawladdu go’aankaasi Ciidamada Qaranku nin wal oo ka tirsan waxa uu ka soo jeedaa beel, isla markaana ciidanku waxa uu u qaybsami doonaa qolo qolo, laakiin waxa ina kala badbaadinayaa waa Dawladdnimada oo ay tahay in ay ina kala badbaadiso oo ay shacabka u dhaxayso, Markii uu xukunkaasi dhacay waxa dhacay in dad badan ay ka hadleen oo siyaasiyiin ah oo Salaadiin ah, isla markaana ay mudaharaado ay dhaceen, waxaan xusuustaa sadexda askari oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Gabiley shaqaaqo ka dhacday bari dhaweyd deegaanka Seemaal, shaqaaqadaasi sida ay u dhacday qaladkeeda iyo masuuliyadeeda waxa la saaray Reer Gabiley, waxa loo xidh xidhay siyaasiyiin iyo ragii ugu sar sareeyey Gobolkaasi, waxa la xidhay Abiib Diiriye sidoo kale waxa la xidhay Suldaan Xuseen Aw- Muuse, waxa la xidhay badi caaqiladii gobolka cid u madaharaaday iyo cid cambaaraysay iyo cid ka daba hadashay midna ma ay jirin, waxaan la yaabanahay dadka mudaharaadka dhigay iyaga oo ciidankii qaranka laayey ee jamhuuriyadii khal khal galiyey ee amnigii qaranka waxyeelay ee hadana mudaharaadaya ee taayirada shidaya, kuwaa waan la yaabanahay, waxa kale oo aan la yaabanahay maskaxda ka dambaysa ee siyaasiga ah ee odhanaysa nimankaasi way saxsanaayeen oo beero ay lahaayeen ayey ahayd, adeer beero ay lahaayeen ma jirto ee waa xeradii Ciidanka Qaranka ee la wada yaqaanay ee Soodaanta la odhan jiray eyey ahayd ee magaca kula baxday xabiibi ma anaa soodaanta keenay ayey horta ahayd, lamana sheegin wax dhul ah oo ka awoow ka awoow lagu lahaa sida ay noo sheegeen dadkii wakhti hore ciidamada ahaa inay xeradii madaafiicda ahayd ayaanu warkeeda haynaa, waxaan odhan lahaa haddii ay cadaaladi jirto dawladdu waa inay dadka noocaas ah sidii ay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Seemaal waa inay ka yeeshaa waana in ay dawladdu soo qabataa siyaasiga dadka isku diraya, suldaanka dadka isku diraya inay dawladdu soo qabataa cid kasta oo arintaa tuhun ka galo dawladdu waa inay gacan bira ku qabataa, tusaale ahaan waxa maalmo dhaweyd warbaahinta ka hadlayey nin siyaasi ah oo laba Madaxweyne wakhtiga kula soo dhameystay wasiirnimo, kaas oo ah saaxiibkay Cali Maxamed Warancadde, kaas oo aanu kolay golaha wasiirada ku wada jiri jirnay, kamaan filayn Cali in fikirkiisa iyo meeqaamkiisu halkaasi taagan yahay, weliba sidaasi ayuu musharax ahaa Cali oo uu lahaa waxaan u sharaxanahay in aan Somaliland madaxweyne ka noqdo, Caliyoow hankaagii iyo meeqaamkaagii midna maaha, inaad taageerto may ahayn dablay soo weerartay Ciidankii qaranka, balse waxa ay ahayd in aad taageerto xukunka dilka ah ee lagu xukumay wax Somaliland kaa siisanaysana maaha”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Anagu reer Gabiley ahaan beeralay ayaanu nahay oo waxa ay beeralaydu caado u leeyihiin in ay hadhuudhka u kala saaraan Qaran iyo Aale, oo aalaha ayaa inta badan manfac leh, qaranku waa in aan manfac lahayn, waxaan leeyahay saaxiibkay Cali Warancade Qaran ayaad noqotay oo ay reer Gabiley kuu arkeen, taa waxba ku sii fogaan maayo ee waxaad shubayso iyo isku dirka dib uga noqo, fikirkaaga iyo ka Augustina Mahiga waxba uma dhaxeeyaanba”
Shucayb Maxamed Waxa kale oo uu Eedeeyay Suldaan Xiiray waxaanu yidhi “Suldaan Xiirayna waxaan leeyahay Saldanadu maaha in aad dadka isku dirtay, saldanadu maaha in aad Suldaanada kale caydo, waxaan ku soo gabo gabaynayaa hadalkayga Sudlaan Xiirayoow ama Suldaan sheego ama Afhayeen Suldaameed oo aanay cidiba ku magacaabin sheego wixii Suldaan lagu yaqaanay ku soo noqo oo cumaamada aad sidato macnahay ku fadhido fahan oo beelaha Somaliland ee walaalaha ah ha dhex dhigin fidno oo beesha aad ka soo jeedo runta u sheeg oo go’aanka ay soo saartay ku raac haddii aad meel u socotana sheeg oo meelaha aad u socoto sheego oo sida dadka qaar sheegayaan haddii aad xamar u socoto balwadaada cadayso, laakiin Somaliland jiritaankeedu wuu jirayaa arin suldaana u dumi mayso arin koox yari soo abaabushayna u dumi mayso oo dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ka awooda badnayd ayey meel iska mariyeen, waxaan u soo jeedinayaa shacabka Reer Somaliland inay nabadgelyada ilaashadaan, haddii ay Nabadgelyada ilaashan waayaan Masaajidna la tegi maayo la cibaadaysan maayo lana qurux badnaan maayo gaadhina la wadan maayo, waxaan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland in nabada ilaashadaan, waxaanan leeyahay Siyaasigaasi iyo ninkaasi sheeganaya afhayeenka salaadiinta shacabka Somaliland way idin ogyihiin oo dad badan waxay tuhunsan yihiin in aad falkaasi gacan weyn ku lahaydeen”.
Shucayb Maxamed Muuse Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta oo aanu weydiinay su’aal nuxurkeedu ahaa go’aanka maxkamada Ciidanka qaranku gaadhay oo uu sheegay in ay haboon tahay in si deg deg ah loo fuliyo in ay taasi keeni karto saameyn taban ku yeelato Qaranka Somaliland waxa uu ku jawaabay “Qofka qof dila in loo dilo ILAAHEY ayaa jideeyey waana nolol oo xigmad ayaa ku jirta oo qofka qof dila in loo dilaa waa Aayad Quraana, arintan kale ee aad leedahay dad badan ayaa waxa ay sheegeen in xukunkaa lagu deg degay anigu ma aaminsani in xukunkaasi lagu deg degay oo maxkamadu waa Maxkamad Ciidan Qaran oo qareen meesha joogayna wuu jiray oo arintu xaalad ayaa taagnayd dambiyana way jireen oo beelo isku muuqday ayaa jiray, shacab kacayna way jireen arintu markaa bad baado ayey ahayd oo dhinac markaad ka eegtana qoraal Ciidan Qaran oo meesha yaala in xukunkeeda la deg dejiyaa waa wax meesha yaala oo haddii aad garyaqaanada wareysato in kasta oo aanan anigu garyaqaan ahayn, laakiin waxa uu caqligaygu i siinayaa maadaama oo qofkii qiranayo oo uu leeyahay hebel aniga ayaa dilay dee dadka qareenada ah iyo dad badan waxa ay ku taliyeen in laga dedejiyo 24-saacadood oo markii go’aankaasi lagu dhawaaqay culays badan iyo guux badan ayaa degay, in kasta oo nin kasta oo ciidanka qaranka ka tirsan ka soo jeedo qabiil oo arintaasi waxaan u arkaa in aanay ahayn arin lagu deg degay.
Haddii aan ka hadlo su’aashaada arinta soo dhex galaysa ee ah haddii la laayo nimankaasi in ay noqonayso mid saameyn taban ku yeelatay Qaranka, dee horta markii inaga la ina abuuray nolosheena ILAAHEY Kitaab uu soo dejiyey oo nolosheena aynu ku dabaqayno kitaabkii waxa ku qoran qofka qof dila ha loo dilo, markaa ILAAHEY ayaa xog xigmada ku taculuqda, aniguna waxaan leeyahay ILAAHEY waxaanu ogayn inagu ma ogin”.
Shucayb oo ka jawaabayey su’aal ahayd in ay haboonayd in ay Xukuumaddu mar ka hore ka jawaabto hadal Cali Warancado oo noqon karto inay iyagu ku deg degeen ayaa waxa uu kaga jawaabay “Horta lama odhan karno waad ku deg degteen oo Xukuumaddu inay ka hadasho ayey ahayd oo haddii ay ka hadasho xiligan la islama soo gaadheen oo haddii aan Dawaladnimada la xeerinayn mar hore ayaa inta beeshu duusho beesha kale duuli lahayd ee waxa inoo dhaxeeyaa waa qaranimadaasi, waxa maanta halkaasi lagu soo gaadhayna waa qaranimadaasi oo kolay marka qofka qofkiisu dhintana waa hadlayaa oo anaga oo aan hadalba waxa naga hor hadlay xiiray iyo dadkii wax geystay, halkii ay ka odhan lahaayeen waanu khaldanay oo ay raali galin ka bixin lahaayeen ayey iyagu mudharaad soo abaabuleen oo waxa weeyi haddii ay siyaasi tahay iyo haddii ay suldaan tahayba iyaga ayaa naga hor hadlay, ta nagu kaliftay hadalkana waxa ay ahayd ninkii falka gaystay oo weliba gar sheeganaya ayaa hadalka keenay oo dadku waxa ay ka soo jeedaan deegaamo iyo beelo sida ay xiiray iyo ninkaa kaleba beelaha uga soo jeedaan, laakiin waxa naga hadlinayaa waxa weeyaan hadalka aan micnaha lahayn ee aan loo meel dayin ee ay isaga hadlayaan nimankaa waaweyni iyaga oo dadkii falka gaystay ah, isla markaana taayirada gubaya. Waxa la odhan jiray Fidnadu way hurudaaye ILAAHEY ha nacdalo cidii kicisa, ILLAAHEY (SW) waxa uu Quraankiisa ku leeyahay.
“Ka baqa fidno aan ku gaar noqon doonin cidii sameysay”, dawladda waanu wada hadalnay oo waanu is aragnay talaabo geesinimo lehna way qaaday oo kolay dad deegaanka soo jeeda qaarkood waxa ay isku dayeen in ay maydka soo qaataan oo markaa dawladdu go’aan dawladeed ayey sheegtay oo sidii waajibku ahaana way martay ciidanku in uu ciidan qaran ahaana way sheegtay inay aasanayso way sheegtay in ay agoontoodii ogaan doontana way sheegtay inta lagu joogsadayna intaa dawladdnimo ayey ahayd oo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo aad iyo aad ugu mahadnaqayo Gen. Shaqalle ayaa arinkaa ka kaafiyey kolay shacabkii dadkaasi ka dhinteen oo intaasi markii ay dhacday ee la kala qaboobay ee maydkiina la aasay ee ay dawladdii iyo heshiiyeen dadkii ay ka soo jeedeen dadkii dhintay ee lagu kala hagaagay ee la kala dhaqaaqay ee xukunkii maxkamaduna dhacay ee ay dadkiina kala nasteen ayaa waxa fidno labaad sii kiciyey nimankan aan ka hadlayo, ta labaad waxa weeyi dawladdu iyadu iyadaa indho leh oo indho qudhaanjo ayey leedahay horaaanan kuugu sheegay oo arintii seemaal ka dhacday cidna cidi umay tilmaamin ee dawladdu iyada ayaa rag soo qab qabatay oo ragbaa xilal lagaga qaaday oo xilalkoodii ku waayey oo ragbaa xafiiska madaxtooyada laba talaabo u jira jeelka loo dhigay oo salaadiin ayaa la xidh xidhay sida nimanka maanta hadlaya oo kale may had hadlayn iyagu, laakiin dawladdu shaqo ay leedahay ayey wadatay oo waxaanu filaynay in markaa dawladdu iyadu shaqadeeda qabsato oo nimankaa maanta warbaahinta ku hadlaya eek u caytamaya ay talaabo ka qaado sidii dhacdadii Seemaal oo kale, taasi ayaa keenaysa in mar labaad dawladdii loo tilmaamo in ay waajibkeedii gudato oo waxaan ku talinayaa in ay soo qab qabato raga fidnada kicinaya ee ay kow ka yihiin Cali Warancade iyo Suldaan Xiiray”.
Source: Wargeyska Caalami
jamaal ibrahim
mustaqbal7@hotmail.com
Hargeysa
Somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|