Somali News
    Hees  

Go'aamadii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka socday Magaalada Adis Ababa.

Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Go'aamadii ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka socday Magaalada Adis Ababa.

Shirkii ka socday magaalada Adis ababa ayaa soo dhamaaday, waxana laga soo saaray shirkaasi qodobo dhowr ah, iyadoo Go’aannada ugu horeeya ee ka soo baxay shirkaas waxaa ka mid ah sameynta Road-Map cusub oo lagu shaqeynayo hada ilaa 20 August sanadkan 2012, waxaana Road-Mapkan cusub uu yahay mid lagu xoojinayo dhameystirka Qariidadii nabadda ee dalka looga saarayay KMG-nimada.
Qodabada Shirkaasi ka soo baxay waa kuwan:

-In 26ka May ay soo gebagebeeyaan howshooda dhexdhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.

-In 1da June lasoo gebagebeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.

-in ugu dambeyn 20ka bisha June la helo oo lasoo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.

-In 30ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.

-In 2Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.

-in 10ka Jully la ansixiyo Dastuurka.

-in 15ka Jully gudiga loosoo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.

-in 20ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.

-In 04ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa.

-In 20ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.

-In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Mapka ilaa inta lagasoo dhameystirayo howshan.



















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)