|
Ciidamada AMISOM oo Kaabiga ku haya Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose (Daawo sawirada)
Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM oo Kaabiga ku haya Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose (Daawo sawirada)
Waxaa maalintiisii saddexaad galay howgalka ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan duleedka Degmada Afgooye, waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada saakay ay kaabiga ku haayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.
Ciidamada oo sii watat howgalkooda ayaa la sheegay in ku sii siqayaan u degmada Afgooye halkaasoo la tilmaamay inay isaga baxeen ciidamada Al-shabaab.
Wararka ayaa tilmaamaya inaanay jirin wax iska caabin ah o o ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala kulmeyn xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kal soo horjeeday kuwaasoo la sheegay inay isaga baxeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab xiligii ay ka baxayeen degmada Afgooye ay ooda ka qaadeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga degmadaasi.
Saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ayaa wacad ku mary inaysan joojineyn dagaalka ilaa ay ka xureeyaan gobolka shabeelaha hoose kaasoo ay gacxanta ku heyso xarakada Al-shabaab.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|