Somali News
    Hees  

Wiil uu dhalay Yuusf Kaba ku tukade oo soo bandhigtay Dowlada KMG ah.

Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wiil uu dhalay Yuusf Kaba ku tukade oo soo bandhigtay Dowlada KMG ah.

Waxaa maanta Xarunya Nabad sugida Muqdisho lagu soo bandhigay wiil uu dhalay waaliga gobolka shabeelaha dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba ku tukade kaasoo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Ciise kaba ku tukade, kaasi oo lagu naanaysi jiray (Axmed Geesdiir).

Taliyaha nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa hadalo kooban uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in dad badan ay gacan ka gaysteen sidii wiilkaasi uga soo bixi lahaa kooxda alshabaab sida uu warka u dhigay islamarkaana dowlada ugu soo biiri lahaa.

Axmed Kaba ku tukade ayaa isna wariyayaasha u sheegay inuu ka soo baxsaday Alshabaab markii sida uu sheegay uu ogaaday in waxa ay ku dagaalamayaan ay qaldan yihiin islamarkaana uu shacabka cafis weydiisanayo waa sida uu warka u dhigay.

"shacabkii aan dhibaateynay waxaan weydiisanayaa cafis buuxa waxaana leeyahay alle ayaan uga towbad keenay qaladaadka aan ku jirey"ayuu yiri Ina Kaba ku tukade.

Dhinaca kale Wiilkaani uu dhalay Kaba ku tukade ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha dhanka amniga u qaabilsan ee gobolka shabeelaha dhexe.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)