|
War Deg Deg ah : Kooxo Hubaysan oo goordhow ku dilay Degmada Dharkaynlay Wariye Axmed Cadow Canshuur
Mogadishu Khamiis 24 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

War Deg Deg ah : Kooxo Hubaysan oo goordhow ku dilay Degmada Dharkaynlay Wariye Axmed Cadow Canshuur.
Allaha u naxariistee Waxaa goordhow kooxo hubeysan ay dil ugu geysteen Suuq Boocle ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.
Wariye Axmed Cadoow Canshuur ayay kooxaha Hubaysnaa ee dilay waxay ku dhufteen dhowr rasaas, wuxuuna wariyahaasi uu ka mid ahaa Barnaamij soo saareyaasha Idaacadda Shabelle.
Kooxaha ku dilay ku dilay kooxo bistoolado ku hubeysan xili uu ku sugnaa xaafada Suuq Boocle degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyadoo kal hore ay kooxo Hubaysan dhaawac u gaysteen Wariye Muxyadiin Xusni oo isla Shabeelle ka tirsan.
Dhinaca kale lama oga dadka ka danbeeya dilkaasi iyo ujeedka loo dilay intaba waxaase ay qeyb ka yihiin dilalka dharkeenkeeley loogu geysanayo dadka dowlada ku jira iyo wariyayaasha iyadoo la xasuusto in agaasimihii idaacada shabelle lagu dilay bilo ka hor degmada wada jir magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|