|
Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka Koonfur Afirka uga qeybgalaaya shir looga hadlayo Midnimada Qaaradda Afrika (Daawo sawirada).
Mogadishu Jimco 25 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka Koonfur Afirka uga qeybgalaaya shir looga hadlayo Midnimada Qaaradda Afrika (Daawo sawirada).
Wafdiga uu Hogaaminaayo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Koonfur Afrika , waxaana lagu wadaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa in dalkaasi uga qeybgalaan Shir looga hadlaayo Midnimada Qaaradda Afrika.
Magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika ayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa loogu soo dhaweeyay si heer sare ah, waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka qeybqaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.
Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayo ayaa xalay ka qaygalay xaflad casho ah oo loo sameeyay madaxda ka kala socota dalalka Afrika ee dalkaasi u tagay inay ka qeybqaataan midaynta Afrika.
Konfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalkii ay gacanta ka geysatay Soomaaliya sidii ay xorriyad u heli lahaayeen, iyadoo booqashadan ay imaanayso xillli ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas booqashooyin ku yimaadeen dhawaan dalka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo la qaadan doono madaxda dalkaasi.
Madaxweyne Shariif ayaa madaxda dalka Koonfur Afrika kala hadli doono sidii loo nabadgelin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, islamarkaana ammaankooda loo sugi lahaa magaalooyinka ay ku ganacsadaan Soomaalida, iyadoo Koonfur Afrika ay tahay dalka ugu badan ee lagu dhibaateeyo Soomaalida.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|