|
Gudoomiyaha Ahlu Sunna Gobolada Dhexe oo xilkii gudoomiyanimada laga qaaday
Mogadishu Jimco 25 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Gudoomiyaha Ahlu Sunna Gobolada Dhexe oo xilkii gudoomiyanimada laga qaaday.
Maamulka Ahlusunah gobolada dhexe ayaa maalinimadii shalay waxey xilki ka qaadeen gudoomiyahi guud ee maamulka Ahlusunah Prof. Xirsi Max’ed Hilowle (Labo Garre) ayaa maanta Ahlu Sunna Waljaamaca waxa ay doorteen Gudoomiye cusub.
Sheekh Ibraahim Xasan Guureey oo isku soo sharaxay xilkaasi Gudoomiyinimo ayaa codeyn ay u qaadeen xubanaha Golayaasha Ahlu Sunna Waljaamaca waxa uu ku guulaystay xilkaasi kadib markii ay u codeen 26 xubnood oo ka tirsan Golaha halka 1 ruux uu ka aamusay.
Gudoomiyaha cusub ee Ahlu Sunna Waljamaaca Mudane Guureeye oo hadlay ayaa waxa uu balan qaaday in xilkiisa uu gudan doono iyo waajibaadka saaran, waxaana uu codsaday in lala shaqeeyo si Ahlu Sunna ay u guulaysato.
Gudoomiyaha lasheegay in xilka laga qaaday ayaanu wax war ah kasoo saarin iyadoo shaki badan laga keenayo hanaanka xilka looga qaaday marka loo eego sida deg degta leh ee xilka looga qaaday isla markaana loo doortay gudoon cusub.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|