|
Madaxweynaha Uganda iyo Dowladda ingiriiska oo ka wada hadlay arrimaha soomaaliya
Mogadishu Jimco 25 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Uganda iyo Dowladda ingiriiska oo ka wada hadlay arrimaha soomaaliya
Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo ku xigeenka la taliyaha dhinaca amaanka qaranka raysul wasaaraha dalka ingiriiska Oliver Roddins ayaa kulan waxa ay ku qaateen aqalka madaxtooyada eek u yaala magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen arimaha Somalia iyo sidiii loo dar dar gelin lahaa qorshaha nabadda oo dowlado badan ay ka qeybqaadanayaan kaas oo lagy doonayo in nabad dalka Somalia looga dhaliyo.
Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in Somalia xilligan ay ka jirto dhibaatooyinno adag oo ay kamid yihiin xaalad dhanka bini’aadinimda ah iyo is qab qabsi u dhexeeya dhinacyada Somalia kuwaas oo isklu haysta siyaasadda dalka Somalia , waxana uu museveni uu sheegay in lama huraaan ay tahay in arimahaas oo idil xal laga gaaro.
"Somalida waxaa looga baahanyahay in dhankooda ay sameeyaan dadaal islamarkaana ay isku howlaan sidii dhibaatada ay uga samatabixi lahaayeen "ayuu yiri Yoweri Museveni isagoo intaasi ku daray in lama huraan ay tahay in la helo dhisidda ciidamo howl kar ah iyo siyaasiyiin aqoon u leh in dadkooda ay samata bixiyaan , waxana uu ugu baaqay wadamada deeqaha bixiya inay ka qeybqaataan nabad ku soo dabaalidda dalka Somalia.
Ku xigeenka la taliyaha dhinaca amaanka qaranka raysul wasaaraha dalka ingiriiska Oliver Roddins ayaa isna waxa uu sheegay in dowladda ingiriiska ay dadaal ku bixianyso sidii Somalia looga dhigi lahaa goob amaan ah oo ka maran waxa uu ugu yeeray argigixisada, isagoo sheegay in ingiriisku uu taageero uu la garab taagan yahay AMISOM iyo DKMG Somalia.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|