Somali News
    Hees  

Madaxweyne Kibaki: "Ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya waxay ku guulaysteen in Al-Shabab ay ka xureeyaan gobollo ku yaala dalka Somalia."

Mogadishu Jimco 25 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Kibaki: "Ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya waxay ku guulaysteen in Al-Shabab ay ka xureeyaan gobollo ku yaala dalka Somalia."

xero milteri oo ku taala magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa baaq waxa uu u jeediyay shacabka soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in dib dalkooda ay ugu soo laabtaan oo ay bilaabaan howlo dib loogu soo celinayo bilicdii iyo muuqaalkii dalka Somalia .

Kibaki ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya ay ku guulaysteen in Al-Shabab ay ka xureeyaan gobollo ku yaala dalka somalia oo ay ku hayeen cadaadis waa sida uu hadalka u dhiga , waxana uu tilmaamay goobaha laga saaray Al Shabab ay yihiin kuwo nabdoon sidaa darteedna ay haboon tahay in dib u dhis lagu sameeyo islamarkaana la dhiso isbitaalada , iskuulaadka iyo goobaha kale ee muhiimka u ah bulshada soomaaliyeed oo muddada 21ka sano ah aan helin dowlad dhexe.

Waxaan ugu baaqayaa dadka soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan in dalkooda ay dib u dhistaan oo ay difaacdaan nabadda haatan ka soo ifbaxday qeybo kamid ah dalka Somalia .

Madaxwaynaha dalka Kenya mwai kibaki ayaa sidoo kale qaxootigi soomaaliyeed eek u sugan dalkiisa ku dhiiri geliyay in dalkooda ay ku laabtaan , oo ay ka huleelaan xerooyinka ku yaala dalka Kenya .

Dowladda Kenya ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah xarakada al Shabab ee ka socda dalka Somalia .

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)