Somali News
    Hees  

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti & Dileyte 

Djibouti Sabti 26 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti & Dileyte 

Sabti, 26 May 2012 Djibouti: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabaha Soomaaliyeed oo marwalba u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra'iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii dalka Djibouto oo ku sugan Soomaaliya oo ka mid ah AMISOM.

Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani'aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra'iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale u faahfaahiyey Madaxweynaha Djibouti heshiikii Addis Ababa oo uu sheegay inuu ahaa heshiis taariikhi ah oo jadwal mucayan ah loo sameeyey sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah. 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan kale oo gaar ah la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte oo Qado sharaf u sameeyey Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa. 

Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go'antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. Madaxweynahu waxuu sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka. Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed. 









Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)