|
Guardiola: ‘’Waxaan tegayaa anigoo GUULEED ah’’
Gothenburg Sabti 26 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guardiola: ‘’Waxaan tegayaa anigoo GUULEED ah’’
Macalinka kooxda Barca ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay inuu kooxdiisa ka tago isagoo ku guuleystey koobka boqorka (Coppa Del Rey) oo ay xalay ka fara maroojiyeen kooxda Athletico Bilbao.
‘’Sida cad waan qanacsanahay oo anigoo faraxsan baan tegayaa, waxaan soo marnay meerto cajiib ah. 14 koob mudo 4 sanadood ah waa wax ay adagtahay xitaa in lagu riyoodo’’ ayuu yiri Guardiola.
‘’Waanu kornay khidad ahaan waxaana rumaysnahay inay kooxdu weliba kasii wanaagsanaan doonto sida ay hada tahay’’ ayuu rajeeyey macalinkii hore ee kooxda Barca oo ku faanay inuu taageerayaashiisa kaga tegey xusuus macaan.
GOOL FM
Chelsea oo heshiis afka ah la gaartey Hulk
Kooxda Blues ee dalka Ingiriiska ayaa lagusoo waramayaa inay heshiis shakhsi ah la gaartey weeraryahanka kooxda FC Porto ee dalka Portugal laacibka caanka ku ah magaca Hulk.
Wargayska The Daily Star ayaa daabacay inay kooxda Chelsea hal tilaabo u jirto xaqiijinta adeega murqaanigan 25 jirka ah ee reer Brazil.
Kooxda Porto ayaa laacibka ku beecinaysa £40 milyan oo gini balse Chelsea ayaa ku baayacaysa £30 milyan oo gini.
GOOL FM
Ibrahimovic: ‘’AC Milan wax lacag ah ma haysato’’
Zlatan Ibrahimovic ayaa ka qabsi qaba inay Milan suuqa kala iibsiga uga gaabsato sababo dhaqaale awgood isagoo yiri ‘’Milan dhibkeedu waa mid dhaqaale’’ mar uu saxaafadda kula hadlayay dalkan Sweden oo ay xulka dalkiisu iskugu diyaarinayaan koobka EURO.
‘’Ma jirto lacag lagusoo iibiyo 5 laacib ama xitaa kuwa aanu u baahanahay, hada laba laacib ayaan soo iibsanay lagana yaabee inuu mid sedexaad yimaado’’ ayuu raaciyay Ibra oo ula jeedey Riccardo Montolivo iyo Bakaye Traoré.
Balse wakiilkiisa oo macmiilkiisa hadalka u toosinaya ayaa saaka sheegay in hadalka Ibra uu ahaa mid guud oo uu kaga hadlayay dhibaatada dhaqaale ee kooxaha Yurub ku dhufatay.
‘’Milan 5 laacib oo qaali ah sooma iibsan karto waayo koox sameeyn kartaaba majirto’’ ayuu yiri Mino Raiola oo sidoo kale xaqiijiyay inuusan Ibra kooxdiisa ka soconin.
GOOL FM.
Zidane: ‘’Waxaa la gaarey xilligii ay Real koobka Yurub ku guulaysan lahay’’
Cabqariga kubadda cagta ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa kooxda Real oo uu maaraynteeda ka mid yahay ku waajibiyay inay ku guulaystaan koobka horyaallada Yurub kadib guushii maxalliga ahayd ee koobka LA LIGA.
Zidane oo la hadlayay webkiisa gaarka ah ayaa yiri ‘’In kooxdu jebisho rikoorrada goolashii la dhaliyay iyo dhibcihii wax lagu qaadi jirey waa wax qayru caadi ah balse haatan waa inaan usoo jeesanaa dhanka Yurub’’.
Wiilsha Jose Mourinho ayaa kooxda Barca ka tuuray kursigii oo ay afar sano ka maqnaayeen iyagoo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee hal xilli-ciyaareed laga dhaliyo koobka LA LIGA kuwaasoo dhan 121 gool.
GOOL FM
Halyaygii hore ee Liverpool oo soo jeediyay in laga dambeeyo tababare Martinez.
Arbihii hore ee kooxda Liverpool Peter Beardsley ayaa rajeeynaya in taageerayaashu ixtiraami doonaan tababaraha cusub ee kooxdaas Roberto Martinez hadii uu aqbalo kooxda Liverpool.
Roberto Martinez oo layliya kooxda Wigan Athletic ayaa maalmahan lala xiriirinayay kooxda Reds balse taageerayaasha Liverpool ayaan arinkaa soo dhoweeynin iyagoo daliishanaya in tababare khibrad lihi uu kooxda u jiidi karo jiho cusub.
Weeraryahankii hore ee kooxda Lverpool Beardsley ayaa rajeeynaya in ninkan Spanish-ka ihi, waa hadii la magacaabee, uu kooxda u horseedi karo guulo ku salaysan ciyaar wanaag waloow uu qabo in lagu deg degey go’aankii lagu cayriyay macalinkii hore oo ugu yaraan sanad kale xaq u lahaa sida uu yiri.
‘’Lkn Roberto waa nin wax wayn ka qabtay Swansea iyo Wigan waana nin qaabka uu ciyaaraa uu yahay mid loo riyaaqi karo’’ ayuu yiri xidigii hore ee xulka sedexda libaax ee England.
GOOL FM
Xidiga Benfica Axel Witsel oo wax lagu faano ku tilmaamay xiisaha Real iyo Milan
Laacibka soo baxaya ee kooxda Benfica Axel Witzel ayaa ku faraxsan inay xiisaynayaan kooxaha waawayn ee Real Madrid iyo AC Milan.
Labadan camaaliqo ayaa labaduba wada doonaya xidigan iyagoo ka gala baxayay xarumaha maamul ee kooxdan todobaadkan oo idil.
‘’Waxay wanaagsan tahay in magaceyga lala xiriiriyo kooxo waawayn, waana aqoonsi muujinaya howsheeda iyo inaan xilli wanaagsan ku qaatay kooxda Benfica’’ ayuu yiri Witzel oo dhoola cadeeynaya.
GOOL FM
Man Utd oo dafirtay wararka ka dayrinaya caafimaadka milkiilaha kooxdaas
Kooxda Man Utd ayaa beenisay wararka la isla dhex marayo ee sheegaya in xaaladda caafimaad ee Malcolm Glazer ay meel xun marayso.
Sida uu werinayo Sporting Life waxaa dhowr bog oo twitter-ka ah lagu faafiyay inuu xitaa dhintay milkiilaha Man Utd.
Si kastaba warar iminka soo baxaya ayaa xaqiijinaya in aanu warkaasi run ahayn iyo in isha warkaasi kasoo baxay uu yahay mid wax marin habaabinaya.
Caruurta Malcom sida Joel, Avi iyo Bryan ayaa gacanta ku hayay howl maalmeedka Man Utd tan iyo markii milkiilaha oo sidoo kale iska leh kooxda Tampa Bay Buccaneers oo ah koox ka ciyaarta NFL oo ka dhisan Tampa, Florida uu shalal (Stroke) ku dhacay bishii April ee 2005.
GOOL FM
Eden Hazard oo Man Utd doortay
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow dalka Faransiiska Eden Hazard oo maalmahan qalboobtan loogu jirey cidii qaadan lahayd ayaa howsha fududeeyey kadib markii uu far muuqday kooxda Man Utd.
Xidigyarahan reer Belgium oo heshiis afka ah la gaarey kooxaha United, City iyo Chelsea ayaa dooqiisa ku dhawaaqi doona todobaadka soo aadan Sida uu xaqiijinayo wakiilka jookarkan.
Si kastaba, Mercato356 ayaa qoraya in Hazard uu go’aansaday inuu heshiis la galo kooxda United iyadoo ay heshiiska waxyaabo yar yari ka harsan yihiin kahor inta aan heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqin 5 maalmood gudohood.
GOOL FM
Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Goolfm.net
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|