|
Hay'adaha SOYDEN iyo CPD oo Muqdisho ka furay Tatan Isboorti oo loogu
magac-daray Isbedelka Dhallinyarada
Mogadishu Sabti 26 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Hay'adaha SOYDEN iyo CPD oo Muqdisho ka furay Tatan Isboorti oo loogu
magac-daray Isbedelka Dhallinyarada
Hay’adda horumarinta iyo isku-xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee
SOYDEN iyo hay’adda CPD ayaa Muqdisho ka furay tartan isboorti oo ay
ku tartamayaan 10-kooxood oo ka kala socda sideed degmo oo gobolka
Banaadir ka tirsan iyo laba kooxood oo ka socda ciidanka booliiska
Soomaaliyeed.
Furitaankii tartanka oo ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo
ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka dugsiga sare ee
Jaalle Siyaad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa: guddoomiyeyaasha guddiyada
nabadda degmooyinka gobolka Banaadir, mas’uuliyiinta hay’adaha
fulinaya mashruuca, xoghayeyaasha isboortiga sideedda degmo ee
gobolka, xildhibaanno, agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda
dhallinyarada, shaqada shaqaalaha iyo isboortiga dowladda Soomaaliya,
Saacid Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.
“Barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay mashruuca isbedelka dhallinyarada,
kaasoo lagu baray dhallinyarada xirfado, casharro ku saabsan qoraalka
iyo akhriska afka Soomaaliga, tarbiyada Islaamka iyo Qur’aanka
Kariimka ah, farshaxanka, fanka iyo suugaanta, kombiyuutarka,
dayactirka qalabka korontada, ganacsiga guud iyo makaanignimada,” ayuu
xafladda furitaanka ka sheegay C/qaadir Salaad Cabdi oo ah madaxa
mashaariicda hay’adda SOYDEN.
Kooxaha tartamaya ayaa waxay ka socdaan degmooyinka: Hodan, Wadajir,
Dharkeynley, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Waaberi, Shingaani iyo Shibbis,
iyadoo labada kooxood ee ka socda ciidanka booliiska lagu kala
magacaabo: kooxda kubadda cagta ee Jen. Kaahiye iyo kooxda heegan.
Ciyaaraha oo socon doona muddo 15-maalmood ah ayay kooxahan isku arki
doonaan iyadoo kooxdii ku guuleysata ciyaaraha la guddoonsiin doono
koob, waxaana ciyaarayahan ay billow u yihiin tartamo lagu soo
gabgabeynayo mashruuca isbedelka dhallinyarada oo socday muddo lix
bilood ah.
Tartamada kale ee xigi doona tartanka isboorti ayaa waxay kala yihiin:
Tartan Qur’aan Akhris ah iyo tartan kale oo lagu tartamayo gabayo iyo
heeso oo ay gacan ka geysandoonaan Naadiga hal abuurka iyo qalinleyda
Soomaaliyeed (Somali Pen).
Dhallinyaradan ayaa waxay sidoo kale qabtaan howlo adeegga bulshada
ah, kuwaasoo ay ka qabtaan sideedda degmo, kuwaasoo isugu jira
nadiifinta jidadka, jaridda dhirta iyo nadaafadda guud, taasoo
ujeeddadeedu tahay inay dareemaan lahaanshaha deegaanada ay deggen
yihiin.
Barnaamijkan oo ay maalgelisay haya’dda UNDP ayaa wajigiisa koowaad oo
ku eg bisha Juun ee sannadkan ayaa waxaa looga gol-leeyahay in
dhallinyaradan oo markii hore ka yimid bulshada dhexdeeda iyagoo
malleeshiyo ah ay ku laabtaan mar kale bushada iyagoo ka faa’iideysan
doona shaqooyin loo abuuri doono iyo qaarkood oo la siin doono lacago
ay ku shaqeystaan.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|