|
Odayaashii dhaqanka ee shirka uga socday Muqdisho oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga (Daawo sawirada)
Mogadishu Sabti 26 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Odayaashii dhaqanka ee shirka uga socday Muqdisho oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga (Daawo sawirada)
Waxaa goordhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka duulay Odoyaashii dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee shirka uga socday caasimadda dalka.
130 Oday dhaqameed ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwas oo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Odoyaasha ayaa waxaa ku wehelinayay safarkooda masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo Ururada bulshada rayidk ah, iyadoo intii ay ku sugnaayeen garoonka uu halkaasi kula hadlay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif kaasoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Odoyaasha dhanka beelaha Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan shirka lagu wado in lagu qabto Magaalada Istambuul ee dalka Turkiga.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee maanta u duulay Turkiga ayaa la sheegay in safarkoodu uu qaadan doono muddo todobaad ah,waxaana la tilmamaay in mudadaasi looga fadhiyo inay soo xulaan ergada ansxineysa datuurka cusub ee Soomaaliya.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|