|
QM oo sheegtay in dad badan ku barakeen dagaaladii ka dhacay agagaarka Afgooye
Mogadishu Axad 27 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

QM oo sheegtay in dad badan ku barakeen dagaaladii ka dhacay agagaarka Afgooye
Warbixin ay soo saartay hay’adda Q,M u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan 9,000 oo ruux ay ku barakaceen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ku yaala meelo ka baxsan magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhex maray ciiidamada dawlada oo garab ka helaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakadda Al-Shabab.
War bixintaan ay UNHCR soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in dad tiradoodu gaarayso (9,200 Sagaal kun iyo Labo boqol) oo ruux ay ka carareen goobihii ay daganayeen kadib markii ay si weyn u saameeyeen dagaaaladii Sadexdii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Afgooye iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Hay’adda UNHCR waxaa ay sidoo kale tilmaamtay in dadkaas badankood ay gudaha usoo galeen magaalada Muqdisho halka kuwa kalena ay u carareen gobolada kale ee haatan aysan dagaaladu ka socon waxaana ay intaa warbixintu ku daraysaa inay jirto cabsi xoogan oo saamaysay dadkii horey Muqdisho uga cararay ee deegaanadaasi ku sugnaa.
UNHCR waxay sidoo kale warbixinteeda ku xustay in dad badan oo barakacayaal ah ay willi awoodi la’yihiin inay ka baxaan gobo ay daganayeen oo ay ka mid yihiin Ceelasha biyaha Xaawo Cabdi iyo deegaano kale oo hay’addu sheegtay in dad badani ku go’doonsan yihiin xilligaan.
Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka oo soo xiganaya hay’adaha samafalka ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo dad rayid ah kasoo gaaray madaafiic ku dhacday meelaha dadku u barakaceen.
Maalmihii la soo dhaafay dad tiro badan ayaa ka soo cararayay deegaanada ay dagaaladu ka dheceen ee Muqdisho duleedyadeeda ku yaala.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|