Somali News
    Hees  

Al-shabaabka Sh/hoose oo sheegay inay dilayaan cidii soo dhaweysa Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM

Mogadishu Axad 27 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-shabaabka Sh/hoose oo sheegay inay dilayaan cidii soo dhaweysa Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM

Ururka Al-shabaab ayaa ku hanjabay inay dili doonaan cid alaale iyo cidii taageerta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ee absaday degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo fariin hanjabaad ah u diray shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose,ayaa sheegay inay dili doonaan cidii soo dhaweyn u sameysa ddowladda iyo AMSIOM.

Abuu Cabdalla ayaa sheegtay dilka nin rayid ah oo ay ku dileen degmada Afgooye kaasoo taageerayay sida uu sheegay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMSIOM.

"Dad baa jiray isku dayey inay gaalada soo dhaweeyaan iyagana jisohooda ayaa la mariyey kii ugu weynaa ee saldhigga ku soo dhaweynayey gaalada meesha ayaa wiilashii kula kulmeen weyna weydiiyeen wuxuu meesha u joogo, wuxuuna sheegay inuu gaalada soo dhaweynayo kaddibna meesha ayey ku toogteen, waxayna u cuskadeen aayaadka illaahay, waa kii ugu horeeyey run ahaantii inta kalana waa ay ku quus qaadandoonaan" ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.

Hanjabaada ka soo yertay ururka Al-shabaab ayaa waxa ay imaaneysaa xili gacanta ay ku haayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo soo dhaeyn kala kulmay ciidamada dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)