|
Nina shaarkaa ku yaraaday nina shaahuu shuban waayay (Qubane Sport
Gothenburg Axad 27 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Nina shaarkaa ku yaraaday nina shaahuu shuban waayay (Qubane Sport
Marka laga hadlo dadka magaca iyo maalka leh ee dunida gaar ahaan kuwa guryohooda ka raaca dayuurado ay leeyihiin oo ku baakiman hangarkooda waxaa ugu waawayn John Travolta, Bruce Dickinson, Brintey Spears, Tom Cruise, Julia Roberts, Madonna, Paris Hilton iyo dabcan Roman Abramovich oo ah ninka ay sheekadiisu na khuseeyso.!
Milkiilahan Raashka ah oo lagu yaqaano kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa si gaar ah u leh dayuurad wayn oo xamuul ah nooca uu Maraykanku farsameeyo ee Boeing 767 kuna darsoo dalal badan oo dunida kajira ayaan ku dhicin iibsiga dayuuradan kharashkeeda dartii.
Waloow Boeing 767 ay ka yara wayntahay in la siiyo magaca dayuurad khaas ah (Private jet) waxaa sidoo kale u dheer 2 dayuuradood oo ah nooca qumaatiga u kaca (Helicopters).
‘’Haa, garoomadu way ka fog yihiin magaalada, tan kale waxaan jeclahay inaan dayuuradan u rinjiyeeyo si gaar ah oo qurux badan loomana baahna in lagu qoro magaca shirkad duulimaad’’ ayuu yiri Abramovich.
Abramovich oo xafladii sanadka cusub ku bixiyay 5 milyan oo gini ayay jiraa dad yar oo aan doonaynin inay ku tilmaamaan bilyineer fataal ah.
GOOL FM
Talyaaniga oo tijaabinayaa weerar 3 xagal ah
Xula Azzuri ee dalka Talyaaniga ayaa tijaabiyay weerar sedexleey ah oo ka kooban Antonio Cassano, Mario Balotelli iyo Sebastian Giovinco.
Macalinka isbedel doonka ah ee xulkaasi Cesare Prandelli oo xulkiisa haatan 32-da ka kooban kasoo reebi doona 23 rasmi ah 29-ka bishan ayaa hollinaya inaysan taladu ka hoos bixin inta goori goor tahay.
Ciyaar kululeys ahayd ayuu tijaabiyay dhan ay kasoo jeedaan Cassano, Balotelli iyo Giovinco iyo dhanka kale oo ay ka ciyaarayeen Mattia Destro, Antonio Di Natale iyo Fabio Borini.
Waxaa la xusi karaa in Riccardo Montolivo oo kasoo kabanaya dhaawac muruqa ihi uu ciyaartaa ka qayb qaatay balse laacibiinta ka imanaya kooxaha Napoli, Juve iyo PSG ee dhowaantan kusoo biiray xerada Coverciano ayaan ka qayb qaadanin tababarka rasmiga ah.
Talyaaniga ayay 44 sanadood ugu dambaysay qaadista koobkan EURO oo ay 1968-kii gurigooda kula guulaysteen balse macalinka cusub ee Talyaaniga oo isreebreebkii uga soo baxay bilaa guuldarro ayaa sheegay inuu dadka uga yaabin doono kubad qurxoon oo natiijo leh iyo inay dhamaadeen waayihii ‘’IL CATENACCIO’.
GOOL FM
Jose Mourinho oo qirtay in uu Ingiriiska ku noqonayo.!
Jose Mourinho macalinka kooxda Real Madrid ayaa isagoo ka hadlaya shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkey wuxuu sheegay inuu mar uun dib ugu laaban doono dalka Ingiriiska.
Mou ayaa sababaha guri noqodkiisa wax ka saaray hab dhaqanka taageerayaasha Ingiriiska iyo kuwa Spain oo kaaf iyo kala dheeri ah.
‘’Waxaan saxeexay qandaraas aan Madrid ku joogi doono ilaa 2016-ka, lkn koox Madrid oo kale ah hadii laba kulan oo is xiga lagaa adkaado qandaraaskaaga way fasaqayaan’’ ayuu ku yiri wargayska AS.
Mou ayaa tibaaxay inuu haatan leeyahay khibrad 10 sanadood ah gabadhiisuna ay 2016-ka jaamacad bilaabi doonto sidaa darteedna uu dooran doono magaalada ku haboon waxbarashadeeda.
‘’London gaar bay ii ahayd. Waayo nolol caadi ah baan kujirey. Ingiriiska dadku danahaaga gaarka ah ma xiisaynayaan lkn taasi way ka duwan tahay Talyaaniga iyo Ingiriiska’’ ayuu yiri Mourinho oo sheegay inuu u baahan yahay inuu ilaashado qoyskiisa.
Waloow uu sidaa yiri Mou misna waxaa la sheegaa in Ingiriisku yahay dalka 2-aad ee ay warbaahintiisu ugu xoogan tahay dhanka faafinta wararka facsharka ah (Tabloids) oo inta badan ku saabsan nolosha hoose ee dadka caanka ah marka laga soot ago dalka Maraykanka.
GOOL FM
Hazard oo maal magic ka dooranaya si uu Man Utd uga mid noqdo..!!
Manchester United ayaa iminka ugu sareeysa kooxaha cayrsanaya saxeexa xidig yaraha reer Belgium ee ka mid ah safka kooxda Lille ee Faransiiska.
Wargayska The Sunday Express ayaa sheegaya in Utd ay qarka u saaran tahay saxeexa laacibkan oo ay 30 milyan oo gini faraqa ugu shubeeyso kooxdiisa.
Kooxaha Man City iyo Chelsea ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha ruqsadda loo siiyay inay la xaajoodaan xidigan soo baxaya ee 21 jirka ah oo uu dalkiisu ciyaar sxbtinimo u joogo dalka Ingiriiska oo la filayo inuu maalmo sii joogo ciyaarta kadib.
Hadaba waloow ay Utd bixineyso guno ka hooseeysa kuwa ay heeganka la yihiin kooxda Citizens iyo Blues misna ilo ku dhow dhow muluqaan ayaa sheegaya inuu aad ula dhacsan yahay taariikhda iyo sumcada ay Utd ku leedahay masraxyada kubada cagta.
Man Utd ayaa dooneysa inay laacibkan sanadkii faraha ka saarto 8 milyan oo gini iyadoo haduu shaqeeyo hindisohooda ku aadan inay 30 milyan oo gini bixiyaan ay xirmada laacibkan lagula soo wareegayaa caga cageeyn doonto 7o milyan oo gini.
GOOL FM
Ivanovic: ‘’Waan ogahay doonista Real Madrid’’
Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa muujiyay sida uu uga warqabo kooxda Chelsea oo laacibkaasi dayaxa ku raadinaysa.
Xidigan caalamiga ah ee reer Serbia ayaa waxaa aad u taageera macalinka kooxda cad cadka Jose Mourinho. ‘’Waan ogahay wax badan baa laga qoray arintan iyo in Madrid ay I daca socoto lkn iminka maaha waqtigii taa laga hadli lahaa’’ ayuu Ivanovic u sheegay wargayska Marca.
Ivanovic ayaa sheegay inuu haatan diiradda saarayo xulkiisa Serbia isla markaana uu ku faraxsan yahay kooxda Blues oo uu todobaad kahor kula guulaystey koobka horyaallada Yurub.
‘’Inaan hada ka fikiro aag bedelasho waa xaajo mustaxiil ah, anigu London baan ku faraxsanahay’’ ayuuna daba dhigay.
GOOL FM
Ivanovic: ‘’Waan ogahay doonista Real Madrid’’
Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa muujiyay sida uu uga warqabo kooxda Chelsea oo laacibkaasi dayaxa ku raadinaysa.
Xidigan caalamiga ah ee reer Serbia ayaa waxaa aad u taageera macalinka kooxda cad cadka Jose Mourinho. ‘’Waan ogahay wax badan baa laga qoray arintan iyo in Madrid ay I daba socoto lkn iminka maaha waqtigii taa laga hadli lahaa’’ ayuu Ivanovic u sheegay wargayska Marca.
Ivanovic ayaa sheegay inuu haatan diiradda saarayo xulkiisa Serbia isla markaana uu ku faraxsan yahay kooxda Blues oo uu todobaad kahor kula guulaystey koobka horyaallada Yurub.
‘’Inaan hada ka fikiro aag bedelasho waa xaajo mustaxiil ah, anigu London baan ku faraxsanahay’’ ayuuna daba dhigay.
GOOL FM
Thiago Silva: ‘’Milan lacag ha quurto hadii ay koob qaadayso’’
Ibrahimovic ayaa dadka kaga yaabiyay hadalkiisii ahaa ‘Milan ma haysato lacag ay 5 laacib oo tayo leh kusoo iibsato’ isagoo jooga dalkan Sweden oo uu waajib qaran ugu sugan yahay.
Riccardo Montolivo iyo Bakaye Traoré ayaa ilaa iyo haatan Milan kusoo biiray balse labaduba waxay ku yimaadeen mushaarkooda oo qandaraasyadoodii ayaa ka dhamaaday.
‘’Ibra iyo anigu waxaan doonaynaa hal walxaato, taasoo ah inay Milan guuleysato’’ ayuu daafaca birta ah ee reer Brazil ugu waramay majaladda La Gazzetta dello Sport.
Silva ayaa sheegay in horyaalkii haatan dhamaatay uu xaalkoodu gebi dhaclays ahaa balse si ay taa kaga baxaan loo baahan yahay in kooxda dhowr waaxood laga xoojiyo waloow uu meesha ka saaray inay meel kale u sahansan tahay maadaama ay Man City maal badan u joogto.
‘’Naadigani waa gurigeyga waayo waan ku waynahay, Galiani ayaana si cad u sheegay inaan qiime kasta la igu iibinaynin’’ ayuu xaqiijiyay Silva.
GOOL FM
Man Utd iyo Real Madrid oo wada doonaya Prince Boateng
Manchester United ayaa isha la raacaysa xidiga khadka dhexe ee kooxda AC Milan Kevin-Prince Boateng.
Arbahan reer Ghana oo ku falaagoobey xulka dalkiisa kadib markii ay is fahmi waayeen macalinkii la eryey ee XIDIGAHA MADOOW tiiyoo ay jirto inuu 24 jir yahayna wuxuu sheegay inuu gebi ahaanba ka ruqseystay ciyaaraha caalamiga ah.
Corriere dello Sport ayaa sheegaya in Milan loosoo gudbiyay laba dalab oo ka kala yimid Man Utd iyo Madrid oo labaduba aad ula dhacsan adeega laacibkan tamarta badan.
Sirka waaya araga ah ee Man Utd ayaa gaar ahaan doonaya inuu laacibkan u adeegsado lambarka 10-aad ee kooxdaas balse Milan ayaa doonaysa inay jookarkan qandaraas cusub ka saxiixdo.
GOOL FM
Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|