Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Wadooyinka isku xira Balacd, Xamar iyo Afgooy

Mogadishu Axad 27 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Wadooyinka isku xira Balacd, Xamar iyo Afgooye.

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay la wareegen wado muhiim ah oo isku xirta Afgooye, Balcad iyo Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kula wareegeen wadadaasi isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyago ku nuunxnuuxsaday inay weli wadaan howlgalka ay kula wareegayaan Gobolka Shabeelada dhexe.

Intii uu socday howlgalka ayay sheegeen saraakiisha inay iska caabin aan sidaa u weyneyn ay kala kulmeen kooxda Al-shabaab hase yeeshee waxa ay tilmaameen in ay kala ceyriyeen.

Waxaa maalmihii u danbeyay ka soconayay labada Shabeelle howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab kaasoo looga qabsaday deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin deegaanda loo barakcy iyo degmada Afgooye.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)