Somali News
    Hees  

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo la wareegay gacan ku haynta deegaanada loo barakacay

Mogadishu Axad 27 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo la wareegay gacan ku haynta deegaanada loo barakacay .

Ciidamada huwanta ee AMISOM iyo kuwa Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasoo ay dagaalyahanada alshabaab ku sugnaayeen.

Shalay galab ayay weerar qorsheysan qaadeen ciidamada Huwanta deegaanada loo barakacay ee xaawo cabdi,ceelasha biyaha iyo lafoole maalahaasoo gacanta alshabaab ku harsanaa waxaana dhacay dagaal aan sidaa u xooganeyn xili jihooyin badan laga weeraray deeganadaasi taaasoo ugu danbeyn suuraglesay in alshabaab isaga huleelaan deegaanadii ay kaga harsanaayeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Wariyayaal u badan kuwa Muqdisho iyo kuwo reer galbeedka laga leeyahay ayaa la geeyay shalay galab wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kadib markii dagaalku soo dhamaaday waxaana wariyayaasha la tusiyay sida ay ciidamada huwantu gacanta ugu dhigeen deegaanada loo barakacay.

Dhinaca kale waxay Warbaahintu soo bandhigtay ciidamada isbahaystay oo isku balaariyay Muqdisho ilaa Afgooye marka la eego wadada laamiga ah ee xiriirisa labada Magaalo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)