|
AMISOM oo sheegtay in qabshada Afgooye ay soo afjarayso amaan darida Muqdisho
Mogadishu Axad 27 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay in qabshada Afgooye ay soo afjarayso amaan darida Muqdisho
Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabshada degmada Afgooye ay kadhigan tahay in la soo afjaray weeraradii ay Xarakadda Al-Shabab ka geysan jireen magaalada Muqdisho oo uu sheegay in degmadaasi laga soo abaabuli jiray.
Paddy Ankunda afhayeenka ciidamada Midawga Africa ee dagaalada kula jira kuwa Xarakadda Al-Shabab waxaa uu tilmaamay in degmada Afgooye ay muhiim u aheyd Al-Shabab oo ay aheyd magaaladda labaad ee ugu muhiimsan marka laga reebo magaalada Kismayo waxaana uu intaa ku daray in Al-Shabab ay weerarada iskugu jira qaraxyada iyo dilalka ay ka soo maleegi jireen degmada Afgooye haddase ay arrintaasi dhamaaday sida uu yiri.
“In degmada Afgooye ayciidamadu gaaraan muhiim ayay aheyd waayo waxay aheyd meel laga soo abaabulo weerarada Muqdisho tan iyo markii laga saaray Muqdisho bishii August ee sanadkii hore laakiin hadda arrintaasi waa ay dhamaatay” ayuu yiri Paddy Ankunda afhayeenka AMISOM.
Afhayeenku waxaa kale oo uu xusay in ciidamadooda aysii wadayaan howlgalada ay ka wadan deegaanada ka baxsan Muqdisho oo ay amaanka si buuxda usugayaan sida uu yiri waxaana uu xusay in ciidamadoda ay ka shaqeynayaan sidii dadka rayidka ah loo bad baadin lahaa.
Dad badan oo falanqeeya arrimaha ciidamada ayaa amaaninsan in dawladu ay kaarto xeeladaysan u adeegsatay qabsashada degmada Afgooye oo ay Al-Shabab ka saareen meelo muhiim u ahaa inkastoo willi ay ka taliyaan gobolo dalka Soomaaliya ku yaala.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|