Somali News
    Hees  

AMISOM oo sheegtay inay sugayso ammaanka deegaanada ay Shabab ka qabsatay

Mogadishu Isniin 28 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo sheegtay inay sugayso ammaanka deegaanada ay Shabab ka qabsatay.

War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay xoog badan saari doonaan sugida amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Warkaan ka soo baxay taliska AMISOM waxaa lagu sheegay inay ka go’antahay inaan wax amaan darro ah ka dhicin deegaanada ay kala wareegeen Xarakadda Al-Shabab eek u yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliska AMISOM waxaa ay sheegay in laga shaqeyn doono sidii looga hortagi lahaa Al-Shabab inaysan wax weeraro ah ka geysan deegaanada la xoreyay sida lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay ciidamada Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM.

“Waxaan balan qaadaynaa inaan sugno amaanka dadka iyo deegaanada aanu ka saarnay Muqdisho eek u yaala inta u dhaxysa Muqdisho iyo Afgooye” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AMISOM.

Ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa dawlada ayaa dhawaan la wareegay gacan ku haynta deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay horey ugu sugnaayeen Xarakadda Al-Shabab dagaalyahano ka tirsan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)