Somali News
    Hees  

Ciidamada Puntland oo howlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigtay 11-nin oo Burcad badeed ah

Mogadishu Isniin 28 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Puntland oo howlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigtay 11-nin oo Burcad badeed ah

Howlgal ciidamada Badda ee dowlad goboleedka puntland ay ka sameeyeen degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayay ku soo qabteen 11 nin oo ka tirsan kooxaha Burcad badeda Soomaalida.

Raggaan gacanta lagu soo dhigay ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana lagu wadaa ragaasi in lagu maxkamdeeyo isla Boosaaso.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke ayaa sheegay in ragaan lagu soo qabtay howlgal ciidamada badda Puntlnad ay ka sameeyeen degmada Xaafuun, isagoo tilmaamay inay cadahay in ay ahaayeen burcad badeed.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Burcad badeeda iyo Al-shabaab uu xiriir ka dhaxeeyo, isagoo sheegay inay socdaan talaabo isku mid ah oo lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo Burcad badeeda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)