|
Horjoogayaasha ugu sar sareeya iyo Malayshaadka Al Shabaab ayaa waxaa
la sheegay intooda badan ay baneeyeen degmada Walaweyn ee gobolka
Sh/hoose
Mogadishu Isniin 28 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Horjoogayaasha ugu sar sareeya iyo Malayshaadka Al Shabaab ayaa waxaa
la sheegay intooda badan ay baneeyeen degmada Walaweyn ee gobolka
Sh/hoose.
Sida ay warbaahinta maxaliga u xaqiijiyeen dad deegaanka ah madaxdii
Alshabaab in ay saacadahii hore ee maanta oo isniin ah ay bilaabeen in
ay faarujiyeen degmada Walaweyn ee gobolka Sh/hoose.
dadka degaanka oo cabsi weyn ka qaba in la ogaado xiriirada ay la soo
sameenayaa idaacaha muqdisho ayaa sheegay in xitaa dadkii afka ku
taageeri jiray in ay bilaabeen barakaca Macada halka ay qabteen
Kooxdii Al Shabaab ee Walaweyn hase ahaatee wararka qaar ayaa waxa ay
sheegayaan in ay aadeen deegaanada kale ee gobolada Bay iyo Sh/dhexe
oo xuduud la leh gobolka Sh/hoose oo deegaano badan oo ka tirsan laga
wareegay Al Shabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|