|
Tartankii ugu horeeyay muddo 3 sanadood ah oo lagu qabanayo Beledweyne
Mogadishu Isniin 28 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Tartankii ugu horeeyay muddo 3 sanadood ah oo lagu qabanayo Beledweyne.
Macalimiinta 8-da kooxood ee ka dhisan xaafadaha Magaalada Beledweyne
ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa u fariistay tababar macalinimo kaas oo
qeyb ka ah u diyaar garowga horyaalkii xaafadaha Magaalada oo aan la
qaban muddo 3 sanadood ah oo gobalka uu ka jiray maamulkii Al-shabaab.
Waxaa tani ay kusoo beegmeysaa qiyaastii 5 bilood uun kaddib markii
maamulka dowlada ku meel gaarka ah uu gobalka la wareegay.
Tababarkan ayaa waxaa bixinaya Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid
ahaa dhalinyaradii dhawaan lagusoo tababaray barnaamijka horumarinta
kubada cagta goballada qeybtiisii koobaad ee lagu qabtay Gal-Mudug.
Sidoo kale Cali Xasan Beyle oo isna ka mid ahaa garsooreyaal lasoo
tababaray ayaa bixinaya qeybta macalimiinta ka quseysa xeerka kubada
cagta oo ay muhiim tahay in macalimiintuna ay bartaan.
Guddoomiyaha maamulka Kubada cagta ee gobalka Hiiraan Xasan Xaaji
Cumar oo munaasbadii furitaanka tabarkan ka hadlay ayaa sheegay in
maamulkiisu uu ku talo jiro in uu dib u bilaabo ciyaarihii xaafadaha
magaalada oo muddo 3 sanadood ah aan la qaban.
“Waxaan aad ugu mahad celimneynaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta oo tababar horay usoo siiyay macalimiinta hada tababarka noo
bixinaya,waxaana ka rabnaa xiriirka in uu noo qabto tababaro kale si
horumar deg deg ah oo kubada cagta ah uu gobalku u gaaro”ayuu yiri
guddoomiye Xasan Xaaji Cumar oo munaasabadii furitaanka tababarka ka
hadlayay Sabtidii.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tababarkan oo socon doona muddo 5
maalmood ah uu soo dhamaan doono maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan.
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani
Saciid Carab ayaa dhankiisa sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay
qorshaha xiriirka ee ku aadan in awooda kubada cagta lagu balaariyo
gobalada dalka oo dhan.
“Waxaan amaan gaar ahaaneed u dirayaa mutadawiciinta kubada cagta ee
gobalka oo ay ka mid yihiin macalimiinta da’da yar oo door weyn ka
cayaaraya horumarinta aqoonta kubada cagta ee gobalkooda”ayuu
xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo
Isniin ah.
“xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagu si aad ah ayuu usoo dhaweynayaa
talaabooyinkan horay loo qaaday ee ku aadan dhanka horumarinta kubada
cagta, waxaana dhiiri gelineynaa in gobalada oo dhan ay si gaar ah u
abaabushaan tababro noocan oo kale ah anaguna wixii gacan ah waan la
garab taaganahay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud ee
xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab oo
sheegay in marka hore lagama maarmaan ay tahay in goballadu ay
muujiyaan sida ay uga go’antahay in ay wax qabsadaan.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|