Somali News
    Hees  

HIRDA Summer Cup oo la qabtay iyo Laashin Axmadey Gaashaan oo loogu deeqay 1000-Euro. [Sawirro]

Isniin 28 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


HIRDA Summer Cup oo la qabtay iyo Laashin Axmadey Gaashaan oo loogu deeqay 1000-Euro. [Sawirro]


Waxaa Magaalada Amsterdam ee Caasimada dalka Holland lagu soo gaba gabeeyay Ciyaarihii Sanadlaha ahaa ee HIRDA Amsterdam Summer Tournment 2012, kaasi oo sanadkaan loogu Baroordiiqayay dhamaan dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxii Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.

Koobkaan oo Sanad waliba xilligaan oo kale lagu qabto dalka Holland ayaa waxaa Sanadkaan kasoo qeyb galay illaa iyo 12-Kooxood oo ka kala socotay Magaalooyinka kala gedisan ee Wadanka Holland, iyadoona sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Mas'uuliyiin Isboorti kuwaasi oo isugu jirtay Madax ku sugneed dalka Holland iyo kuwo ka yimid Dalka UK.

HIRDA Amsterdam Summer Tournment 2012 oo sanadkaan lagu Xusaayay Madaxdii G.O.S iyo XKC ee bishii April ku geeriyootay Muqdisho, ayaa dhanka kale waxaa bar bar socotay Caawinaad loo Urruinayay Abwaan Axmadey Abdi Gaashaan oo dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxii Tiyaatarka, iyadoona dadkii isugu yimid Garoonka ay ka qeyb galayeen Barnaamij lacag urrurinta ah. 

Ciyaarahaan ayaa Sanadkaan waxaa Goob joog ka ahaa, Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir Yuusuf, Guddoomiyaha Jaaliyada Isboortiga dalka UK, Mudane Daahir Cali Kulmiye, Kaaliyihii Xoghayaha XSKC Maxamuud Ibraahim [Koofur-Yare] 
Gudoomiyihii hore ee Somaliweek iyo Kuxigeenkiisa, Cabdulqaadir Maxamed, Cabdi Axmed, Yaasiin Talyaani Ex-Garsoore MacalinYaasiin, iyo Ciyaaryahanadii Xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya Maamo Batuulo Xaaji Nuur oo Sanadkaan Nasiib u yeelatay in ay Furto isla Markaana Soo xirto HIRDA Summer Tournament AFT 2012.

Furitaanka Ciyaarahaan ayaa waxaa hadal kooban ka jeedisay Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax oo sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay Qabashada Ciyaarahaan Summer Football Tournment, kaasi oo ay sheegtay in Sanadba Sanadka ka danbeeya ay sii kordhayaan Kooxaha kasoo qeyb galeysa, balse Sanadkaan ay ku caawinayaan Laashin Axmdey Abdi Gaashaan.

"Ciyaarahaan Summerka Sanadkii 4-aad ayaan wadnaa, halka kan Winter-ka uu yahay Sanadkii 8-aad, balse waxaan is dhihi karnaa waa mid sanad waliba guul lagu gaarayo, Maadaama Sanadba Sanadka ka danbeeya ee kooxaha Soo badanayaan, taasi oo kuu cadeeneesa in is-dhex galka Dhalinyarada ay sii kobceeso" Ayey tiri Marwo Faadumo Faarax.

Mar ay ka sheekeeneesay qabashada Ciyaarahaan ee sanad waliba ayaa waxa ay Carabka ku dhifatay in Ciyaarahaan ay tahay mid ay ugu tala galeen sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland is-dhax gal ugu sameen lahaayeen, isla markaana lagu bad baadin lahaa dhalinta Soomaaliyeed si loogu fogeeyo waxyaabaha dhibka u keeni kara.

Hey'adda HIRDA oo ka qeyb galka Tartankooda dhinaca kooxaha ahaa Mid free ah oo aan wax lacag laga qaadin kooxaha, ayaa sanadkaan Kooxaha ka qeyb galayay Tartanka Ciyaaraha Summer Cup-ka ka qaaday lacago dhan 50-Euro, Taas oo kooxaha loogu qaaday Registretion ahaan si loogu deeqdo Laashin Axmadey Abdi Gaashaan.

"Koox Waliba waxaan ka qaadnay 50-Euro, waxa ayna noqotay 600-Euro, halka Barnaamijka Gaarka ah ee Aan sameeney kasoo xarootay lacag dhan 400-Euro, taasi oo isku dar ahaan gaareesa 1000-Euro" Ayey Tiri Marwo Faadumo Faarax oo sheegtay in deeqdaan lacageed si deg deg ah ay ku gaarsiin doonto Laashin Axmadey Abdi Gaashaan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Isboortiga UK, Daahir Cali Kulmiye oo dhankiisa ka hadlay Furitaanka Ciyaarahaan, ayaa waxa uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka Ciyaarahaan, Asigoona HIRDA ugu Mahad celiyay sida sharafta leh ay ugu Marti qaadeen, waxa uuna xusay in ay garab taagan yihiin isla markaana dhan waliba ay ka taageeri doonaan Hey'adda HIRDA oo uu xusay in ay dadaal weyn u gashay Barnaamij aan la dhayalsan karin waa sida uu hadalka u dhigayee.

Maamo Batuulo Xaaji Nuur oo Furitaanka Ciyaarahaasi ka hadashay ayaa waxa ay wax lagu farxo ku tilmaamay in ay Mar kale indhaheeda ay qabtaan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya Tartamo Ciyaaro xilli la joogo Qurbo, Balse waxa ay HIRDA ku amaantay sida ay gacanta ugu geysaneeso Bad-baadinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay ku mashquulisay Isboortiga iyadoona sidoo kale sheegtay in Isboortiga uu yahay Isdhex-gal Bulsho.

Kooxihii Sanadkaan ka qeyb galay Tartankaan oo kala ahaa: Denhaag, Hoorn, Bergen Op zoom, Almere, Amsterdam, Utrecht, Venray, Den Bosch, Dordrecht, Groningen, Elman iyo Lootada, ayaa ugu danbeyn waxaa Semi Finalka isugu yimid, 4-koox ee kala ah Elman vs Denhaag iyo Dordrecht vs Veray kuwaasi oo ciyaar aad u xiiso badan soo bandhigay.
Ciyaartii Finalka ayaa waxaa isugu yimid Kooxaha Elman vs Dordrecht iyadoona Kulankaan oo ahaa mid aad u adag ayaa Gool ku laad waxa ay Guusha ku raacday Kooxda Dordrecht, oo ay ugu danbeyn Maamo Batuulo Xaaji Nuur Koobka Sanadkaan ee AST 2012 Gacanta u galisay Kooxda Dordrecht.

Dhinaca kale Kooxda Emlan ayaa ku guuleesatay Koobka Kaalinta Labaad, iyadoona Tababarihii ugu wanaagsanaa Ciyaaraha Sanadkaan loo Aqoonsaday Tababaraha Xulka Hoorn, Macalin Abdi latiif Isloow [Foora-gacan], waxaana sidoo kale halkaasi lagu bixiyay Abaal Marino kala gedisan oo loogu tala galay Ciyaar wanaaga, gool dhalinta, Asluubta iyo Gool-hayaha. 

Ugu danbeyn waxaa gaba gabadii Ciyaarahaan Mahad gaar ah loo celiyay, Dhalinyarada Guddiga Qaban qaabada Sanadkaan oo ay hor-kacayeen Saciid Handulle iyo Abdi Fanaan, iyadoona sidoo kale Amaan loo jeediyay dhamaan Warbaahintii halkaasi Goob jooga ka aheyd.

SAWIRADA OO IDIL HALKAAN HOOSE KA DAAWO.
>

Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)