|
Madaxweynaha xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Mogadishu Jimco 4 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof Cabdillaahi Xassan Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddiga Khubarda Prof. Muxamed Sheekh Cismaan Jawaari..
(Mogadishu, Somalia, May, 03, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof Cabdillaahi Xassan Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddiga Khubarda Prof. Muxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyagoo munaasabadaa ku gudoon siyay qalin horaadka qormada qabyo tirka dastuurka ee latashiga madaxda sare dalka si uu taladiisha ugu biiriyo waxaana kulankaa madaxweynaha goob jog ka ahaa lataliyihiisa Madaxweynaha Xagga Sharciga Prof. Abuukar Xassan Axmed.
Ka dib markii ay wada hadal dheer galeen waxaa uu labada guddi ku booriyay inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha soocda:
1. Shareecada iyo xeer dhaqameed Soomaaliyeed iyo hidihii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.
2. Ilaalinta arrimaha quseeya jinsiyada Soomaaliyeed.
3. Maqaamka caasimada Qaranka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo ku saabsan cutubyada kale ee dastuurka.
Kulankaa oo sacaado badan socday wuxuu madaxwenuhu ugu danabyntii ku bogaadiyay labada guddiga sida wacan ee ay u wadaan xilkan qarameed oo dalka ahmiyad gaar ah u leh, iyagoo weliba ku shaqeynaya daruufo adag.
Madaweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyaya:
1. Inay ku dadaalaan in geedisocodka dastuur sameynta Soomaaliya si waafaqsanaado shuruucda dalka.
2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda.
3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale.
4. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxaa uu labada Gudoomiye ka codsaday inay salaan iyo bogaadin ka gaarsiiyaan dhamaan xubnaha labada guddi.
5. Waxuu Madaxwaynaha tilmaamay inay muhiim tahay in laga qaybgalo shirka khuburada ee international community ee lagu qabanaayo jabuti
Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|