|
Madaxweynah Soomaaliya oo saddex maalmood oo Booqasho ah ku tegay Dalka Kuweyt
Axad 6 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynah Soomaaliya oo saddex maalmood oo Booqasho ah ku tegay Dalka Kuweyt
Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Kuweit Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah aay uga bilaabatay dalka Kuweyt .
Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa gagida dayuuradaha caalamiga ah ee magalada Kuweyt kusoo dhaweeyey Amiirka Boqor sugaha ah ee dalka Kuweyt Alshiikh Nawaf Alahmad Alijaber Alsabaax iyo Axmad Alsaddun oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Kuweyt iyo Raiisulwasaaraha dalka Kuweyt Shiikh Jabal Almubarak Alxamad Alsabaax iyo Kuxigeenka Ciidamada ilaalada Boqortooyada Kuweyt Shiikh Mushaal Alaxmad Aljabar Alsabaax.
Waxaa kale oo dadkii soo dhaweeyey Madaxweeynaha kamid ahaa Kuxigeenka Raiisulwasaaraha isla markaana ah wasiirka arrimaha gudaha dalka Kuweyt Shiikh Axmad Alxamuud Aljaabir Alsabaax .iyo Labada Taliye Ciidamada Xogga dalka iyo Kuwa Booliska Kuweyt .
Madaxweeynaha Soomaaliya waxaa casumaad u fidiyey wadahadallo ku saabsan xiriirka labada dalna uu la yeelandoonaa Amiirka Dalka Kuweyt Shiikh Sabaax Alaxmad Aljaber Alsabaax.
Arrimaha ugu waaweeyn ee madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirk Kuweyt aay ka hadlidoonaan waxaa kamid ah sidii dawladda Kuweyt aay kaalmo wax ku ool ah ugu fidin lahayd dawladda Soomaaliya una maalgalin lahayd mashaariicda faraha badan ee laga fulinayo dalka Soomaaliya.



Somaliweyn Media Center (SMC)
Gothenburg/Sweden
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|