Somali News
    Hees  

NGO ka dhisan dalka Sierra Leone oo ka digay in Ciidamo ka socda dalkaasi loo soo diro dalka Soomaaliya

Mogadishu Isniin 7 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




NGO ka dhisan dalka Sierra Leone oo ka digay in Ciidamo ka socda dalkaasi loo soo diro dalka Soomaaliya.

Urur aan dowli aheyn oo ka dhisan magaalada Freetown ee caasimada u ah wadanka Sierra Leone ayaa war uu soo saaray waxaa uu ka digay indawlada Sierra Leone ay ciidamo usoo dirto wadanka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada midawga ee AMISOM.

Ururkaan oo magaciisa la yiraahdo ururka dhaq dhaqaaqa bulshada Africa ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo in dawlada dalkaasi ay qaadato go’aanka ah inay ciidamo u soo dirto wadanka Soomaaliya kadib markii dhawaan hanjabaad kasoo baxday Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

War saxaafadeed uu ururkaan soo saaray oo lagu qoray warbaahinta madaxa banana ee dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay inaan loo baahgnayn in xilligaan ay Soomaaliya tagaan ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone taasina ay keenayso dhibaato weyn oo qaranka soo gaarta.

“In dawladeenu ay ciidamo Soomaaliya u daabusho waa tilaabo qaldan oo aanu awoodin” ayaa lagu yiri warsaxaafeedkaasi ka soo baxay mid ka mid ah ururada aan dawliga aheyn ee dalkaasi Sierra Leone ka jira, waxaana uu war saxaafadeedku intaa ku darayaa in haddiiay ciidamada Sierra Leone Soomaaliya yimaadaan ay halis u keeni doonto dadka u dhashay wadanka Sierra Leone iyo wadankaba

Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa wadanka Uganda oo sidoo kalena warkaan wax ka qoray ayaa ku waramaya in ururkaan uu ku andacoonayo in dhibaatada Soomaaliya ka jirta aan lagu xalin Karin oo kaliya tilaabooyin millitry hase ahaatee loo baahan yahay in la qaado tilaaboo kale oo siyaasi ah.


Dawlada Sierra Leone ayaa diyaarinaysa illaa iyo 800 oo askari kuwaasoo ka mid noqonaya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala iyadoona dawladu ay sheegtay in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan daba yaaqada bisha soo socota ee June.


Xarakadda Al-Shabab ayaa horey digniin ugu dirtay dawlada Sierra Leone oo ay ugu hanjabtay inay weerari doonto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)