|
Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa magaalada Hargeisa ku qaabiley wefti ka socda deeq bixiyayaasha somaliland ka caawiya dhanka doorashooyinka oo booqasho ku yimi Hargeisa
Hargeysa Isniin 7 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa magaalada Hargeisa ku qaabiley wefti ka socda deeq bixiyayaasha somaliland ka caawiya dhanka doorashooyinka oo booqasho ku yimi Hargeisa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.
Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.
Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.
Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|