|
Beled-weyne oo 3-2 kaga adkaatay Guri-ceel
Mogadishu Isniin 7 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Beled-weyne oo 3-2 kaga adkaatay Guri-ceel
Degmada Beled-weyne ee gobalka Hiiraan ayaa 3-2 kaga adkaatay cayaar
saaxiibtinimo oo kubada cagta ah oo ay kala hortageen degmada Guri
Ceel ee gobalka Galgaduud ee dariska la ah.
Cayaartan saaxiibtinimo ayaa ahayd tii ugu horeysay ee wiilasha kubada
cagta ee labada degmno ay isaga hor yimaadaan muddo 3 sanadood ah oo
gobalka Hiiraan uu ka talinayay maamulkii Ururka Al-shabaab waxaana
mudadaas kubada cagta ay mamnuuc ka ahayd gobalka oo dhan.
Cayaarta saaxiibtinimo ee labada degmo dhex martay ayaa 5-tii bishan
waxaa ay ka dhacday degmada Guriceel waxaana garsoore ka ahaa Cali
xasan Beyle oo ka mid ahaa dhalinyaro bishii hore tababar garsoorenimo
ku qaatay Magaalada gaalkacyo ee Galmudug.
Tababarkaasi waxaa uu qeyb ka ahaa barnaamijka horumarinta kubada
cagta gobalada ee xiriirka Soomaaliyeed uu wado.
Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee gobalka Galgaduud ahna masuulka
xiriirka Soomaaliyeed ugu qaabilsan zone-ka sadexda gobalka ee
Shabelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud Cabdirashiid Aadan Rooble (Shig
Shigow) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wafdiga gobalka Hiiraan
si fiican loogusoo dhaweeyay deegaanka uuna ku faraxsan yahay in
degmadiisu noqotay degmadii ugu horeysay ee marti gelisa ciyaar
degmooyin labada gobal ka tirsani ay isugu yimaadaan muddo 3 sanadood
ah.
Labada deegaan ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa kala maamulayay
Ururka A-shabaab iyo Ururka Ahlu Suna oo xiriir la leh dowlada
federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
“Inkastoo degmadeyda laga adkaaday waliba iyadoo gurigeeda joogta
hadana aad ayaan ugu faraxsanahay in ciyaartoyda labada gobal ay isu
gudbayaan oo wada cayaarayaan—waxaan aad ugu mahad celineynaa xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagta oo naga gacan siinaya horumarinta kubada
cagta ee gobalada”ayuu yiri guddoomiye Cabdirashiid Aadan Rooble.
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani
Saciid Carab ayaa ku amaanay masuuliyiinta labada gobal ee Hiiraan iyo
Galgaduud kaalinta ay ka qaadanayaan dib usoo nooleynta tartamadii
dhexdooda ahaa.
“Tani waa sidii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagu uu in muddo ahba
rajeynayay---sii socoshada cayaaraha kubada cagtu waxaa ay qeyb weyn
ka qadaneynsaa horumarinta kubada cagta ee gobalada dalka oo dhan” ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Cabdi
Qani Saciid Carab oo maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib markii uu
magaalada Qaahira kagasoo qeyb galay shirkii xiriirka kubada cagta
Africa ee CAF.
Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagtu uu horay u diyaariyay barnaamij lagu horumarinayo kubada cagta
gobalada dalka oo dhan kaas oo ilaa iyo iminka natiijooyin wax ku ool
ah laga gaaray.
Xoghayaha guud waxaa uu carabka ku adkeeyay in tababarradii kala
duwanaa ee bishii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay qeyb ka
ahaayeen barnaamijka horumarinta goballada natiijooyinka laga gaarayna
ay ka mid tahay in ragga dhalinyarada ah ee hada dhex dhexaadiyay
cayaartii ka dhacday Guri Ceel ay ka mid ahaayeen kuwii lagusuoo
tababaray Gaalkacyo bishii lasoo dhaafay ee April.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|