Somali News
    Hees  

Golaha Deegaanka oo doortay Duqa Magaalada Beledweyne

Mogadishu Talaado 8 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Golaha Deegaanka oo doortay Duqa Magaalada Beledweyne Kulan balaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobollka Hiiraan ayaa waxaa maanta ay magaalada Beledweyne ku doorteen gollaha deegaannka Duqa magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobollka ee kulankaasi goob jooga ka aheyd, ayaa hadal uu u jeediyay xubnaha gollaha deegaannka waxaa uu sheegay in wax lagu farxo tahay doorashada noocan oo kale ah, isaga oo ku booriyay gollaha deegaannka degmada Beledweyne dar dar-galinta howlaha looga fadhiyo.

Doorashada Duqa degmada Beledweyne oo ay isku soo taageen ilaa Afar musharax ayaa ugu danbeytii waxaa cod gacan taag ah lagu ansixiyay Max’ed Xassan Nuuriye oo noqonaya Duqa cusub ee degmada Beledweyne.

Sidoo kale guddoomiyaha gobollka Hiiraan ayaa isla kulanka uga dhawaaqay guddoomiyayaasha degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobollka Hiiraan, isaga oo u rajeeyay in ay si hufan u gutaan waajibaadka saaran.

Talaabada ay maanta ku soo doorteen gollaha deegaannka degmada Beledweyne oo kulmiya guddoomiyayaasha xaafaddaha magaalada ka kooban tahay ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ku doortaan Duqa degmada Beledweyne oo markii hore lagu soo saari jiray wareegto ka soo baxda dowladda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)