Somali News
    Hees  

Barnaamij bandhigga buugaagta iyo dhaqanka oo ka dhacay 4-5 may 2012 magaalada Gotheburg

Gothneburg Talaado 8 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Barnaamij bandhigga buugaagta iyo dhaqanka oo ka dhacay 4-5 may 2012 magaalada Gotheburg

Maalintii jimcaha aheyd, bishuna aheyd 4 may 2012 waxa magaalada Gothenburg ee ah caasimada labaad ee dalka sweden ka furmay bandhigga buugaagta iyo dhaqanka.  Waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan oo isku jira iswedish iyo soomali oo xiiseynayey  afka iyo dhaqanka soomaalida.Waa  sannadkii labaad ee la qabto barnaamijkan.
  
Furitaankii bandhigga waxa hadalo kooban ka yiri Mudane Cabdullahi Maxamed Axmed Jowhar  oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Puntland community organisation ee magaalada Gothenburg iyo Tomas martinsson oo ah Ku- xigeenka duqa magaalada Gothenburg.

Martidii madasha ka hadashay waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, mudane Cabdi Faarax Sacid (Juxa) oo ka hadlay geedisocodka xaaladda siyaasadeed ee soomaaliya. Sidoo kale waxa casharo iyo hadalo qiimo badan ka jeediyey qorayaal iyo aqoonyahanno soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen  Prof. Sacid Salax, Saynab Dahir, Warsan Cisman Salax, Sahro Ahmed Koshin, Bile Hashi, Mustafa Yusuf, Abshir Osman iyo Maxamed sh Xasan.

Habeenka jimcaha aheyd waxay  jaaliyadda Puntland Community organisation ee Gothenburg  qabanqaabisay casho sharaf lagu soo dhoweeynayey martidii ka soo qaybgashay barnaamijka bandhigga buugaagta iyo dhaqanka.

Waxa madashaa lagu gudoonsiiyey bilad sharaf wasiirka wasaarada waxbarashada ee Puntland , mudane cabdi farah saciid (Juxa)  oo mujiyey dadaal badan ee ku aadan dhinaca horumarinta tacliinta Puntland.

Maalintii sabtida aheyd waxay qorayaasha, abwaanada soomaliyeed ka soo jeediyeen sugaan oo ay aad u jecleeysteen dadweynihii faraha badnaa ka soo qaybgalay bandhigga.
Qorayaashii, madaxdii iyo abwaanadii wacdaraha ka muujiyey waxa ka mid ahaa xildhibaan, ibrahim hawd, saynab dahir, zakariye mohamed isticmaar,warsan osman salax, abwaan hurfe, abwaan casho cuud, prof saciid salax, wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, mudane cabdi faarax saciid(juxa) , xildhibaan abshir osman , Qoraaga weyn cabdullahi sh Hussein H/wadaag iyo ugu dambeeyntii oo ay kooxdii hidaha iyo dhaqanka ee ka timid magaalada malmö, halkaa ku soo bandhigtay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.

Barnaamijka waxa uu ku soo gabagaboobey jawi aad u wanaagsan oo dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad u jeclaadeen.

Sawiradaa hoos ku taxan meel haddii aad gelin karto kuwa aad isleedahay way fiican yihiin.

Gaar ahaan khudbada wasiir waxbarashada ama marka bilad sharaf la siinayo in aad ciwaan uga dhigto.

































Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)