|
Taliyaha ciidamada Dowlada ee EX kontorool Afgooye oo sheegay inay qabteen rag watay walxaha qarxa
Mogadishu Talaado 8 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliyaha ciidamada Dowlada ee EX kontorool Afgooye oo sheegay inay qabteen rag watay walxaha qarxa
Taliyaha ciidamada Dowlada ee EX kontorool Afgooye Magaalada Muqdisho Axmed Yare ayaa saxaafada u sheegay in saaka ciiidamadoodu gacanta ku dhigeen labo nin uu sheegay inay siteen suumanka iyo jaakadaha is qarinta loo adeegsado.
Axmed Yare waxaa uu xusay in labada la qabtay ay hada hayaan islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonaan madaama sida uu sheegay uu doonayay inuu isku qarxiyo saraakiisha Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo xarumaha guud ahaan dowlada.
Sidoo kale Taliye Axmed Yare waxaa daboolka ka qaaday inay qarxiyeen suumankii iyo jaakadihii ay ku qabteen labada nin ee sida uu sheegay dooneysay inay is miidaamiyaan.
Mar uu ka hadalayay qaabka ay u qabteen ragga watay walxaha qarxa ayuu sheegay inay ka warhayeen islamarkaana ay sidaa ku qabteen raga watay walxaha qarxa,wuxuu intaasi ku daray in kooxahaani dhanka Madiina ka soo galeen aadna ugu dadaaleen inay walxahaasi qarxa la gudbaan balde ay qabteen.
Dhinaca kale ma jirto cid cadeyn karta warka ka soo baxay taliyaha ciidamada ku sugan EX.Kontorool Afgooye ee ah inay qabteen labo nin oo watay suumanka iyo jaakadaha loo adeegsado is qarxinta
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|