|
Golaha Dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran oo baaq u jeediyay Odiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Holland Talaado 8 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran oo baaq u jeediyay Odiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Avv Muuse Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Amsterdam ee Xarunta dalka Holland, ayaa waxa uu ka hadlay Ansixinta lagu wado in dhawaan la Ansixiyo Dastuurka Cusub ee dalka uu yeelanyo, Asigoona dhinaca kale baaq u jeediyay Odiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Xisbiga Hiil-Qaran oo Muddooyinkaan wada dadaalo ku aadan Arrimaha Siyaasada dalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in aan lagu deg-gedin Ansixinta dastuurka cusub ee uu dalka yeelano, iyagoona soo jeediyay in wax waliba, laga hor mariyo Maslaxada iyo Masiirka umada Soomaaliyeed.
"Dalka Dastuur wuu yeelan karaa, hadii shacabkiisa ay raali ka yihiin, balse shacabkana waa in ay helaan dad ay ku kalsoon yihiin oo Dastuurka meel mariyo, kana fiiriya, shacabkana u sheega in uu yahay mid la qaadan karo iyo in kale" Ayuu yiri Avv Muuse Xirsi oo Xubin Buuxda ka ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran.
"Ma ahan oo kaliya 1-Qodob, waxaa ku jira Qodobo dhowr ah oo aan u baahneen in lagu deg dego, waa la hubaa in Odiyaasha dhaqanka ay door muhiim ku leeyihiin Marxalada dalka, balse waxaa Haboon in Odiyaasha ay u bandhigaan Aqoon yahano lagu kalsoon yahay, si wax miro dhal ah ay halkaasi ugu soo baxaan"Ayuu yiri Abukaate Muuse.
Avv Muuse Xirsi waxa uu sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran uusan marnaba kasoo horjeesan doonin wax waliba oo dan ugu jirta shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, ujeedadiisana ay tahay sidii dalka xal loogu heli lahaa, balse ay Haboon tahay in xalka dalka ay iska kaashadaan qeybaha kala gedisan ee shacabka, sida Culimada, Waxgaradka, Odiyaasha, Aqoonyahana & Siyaasiyiinta.
Ugu danbeyntii waxa uu baaq u jeediyay Odiyaasha Beelaha Soomaaliyeed ee ku shiraya Muqdisho, Asigoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ka hor soo xulida xubnaha Ansixinaya Dastuurka Cusub in ay Dastuurka u bandhigaan Aqoon-yahano lagu kalsoon yahay si ay shacabka ugu qanciyaan waxa ku qoran dastuurka, oo aan dalka mar kale loo horseedin Qalad hor leh.
Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu yeesho dastuur cusub, iyadoona inta badan Aqoon-yahanada, Siyaasiyiinta iyo Qeybaha Bulshada ay ku baaqeen in aan lagu deg degin Ansixinta Dastuurka Cusub ee uu dalka Yeelanyo.
Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|