|
Warbixin ku saabsan kulanka Madaxweyne Shariif iyo jaaliyada Soomaalida (Dalab loo gudbiyay Madaxweynaha)
Mogadishu Talaado 8 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Warbixin ku saabsan kulanka Madaxweyne Shariif iyo jaaliyada Soomaalida (Dalab loo gudbiyay Madaxweynaha)
Waxaa wadanka kuwait booqasho sharaf ku yimid madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda dalka kuwait shalay oo taariikhdu ahayd 7/5/2012 ayaa madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay qasriga loo yaqaano Qasri Bayaan.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Kuwait isla markiiba madaxweynaha wuxuu warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaalada uu wadanka ku sugan yahay iyo isbadalada wax ku oolka ah ee ay dawladiisu gaartay, warbixintiisa kadib ayaa waxaa hadalkii qaatay oo makarafoonka lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed mudane Maxamuud Xaaji Maxamed (Khumeeni).
Gudoomiyaha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay tabashooyinka ay qabaan jaaliyada Soomaaliyeed iyo waxyaabaha ku adag ee loo baahan yahay in ka dawladaan ahaan ay Dowlada Kuwait kala hadlaan dhibaatada ugu weyn ee uu ka hadlay gudoomiyaha ayaa waxay ahayd xaga ciqaamadaha oo lagu soo rogay faro iyo inay dhiig soo maraan taasoo u gaar ah Soomaalida kaliya.
Wuxuu kaloo gudomiya uu u sheegay madaxweynah sida aan hagarta lahayn ee ay dawlada Kuwait u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed wuxuu kaloo qiray gudoomiyaha in dawlada Kuwait ay u ogaalatay caruurta Soomaaliyeed oo kaliya inay la dhigan karaan Kuwaitiyinta taasna waa uu uga mahad celiyay gudoomiyaha dawlada iyo shacabka Kuwaitba jaaliyada Soomaaliyeed ayaa aad iyo aad u soo dhaweysay imaaatinka madaxweynaha, ayagoo mar walba jecel inay wakhti badan u helaan la kulanka madaxweynaha kana codsaday inuu xilka sii hayo mudada shanta sano ah ee soo socota una sheegay sideey u taageersan yihiin madaxweynohooda.
Waxaa kaloo madaxweynaha laga dalbaday inuu dastuurka wax ka badalo, wuxuna balan ku qaaday inuusan dastuurku noqonin mid ummada Soomaaliyeed waxyeelo u keena lagana doodi doona qodobada aan dan u ahayn umada Soomaaliyeed waxna laga badalidoono sida qodobka ....qofkii shan sano jooga Soomaaliya Soomaali ayuu noqonayaa iyo madaxweyne wuu ka noqon karaa wadanka nin aan diinta islaamka heysan, waxaa kaloo si gaar ah u qaabilay ardayda Soomaaliyeed oo ayagana u gudbiyay cabashadooda








Waxaa Diyaarisay:
Nuuneey Xasan Maxamuud
nuuneeyxasan@hotmail.com
L/H: Kuwait City
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|