|
Odayasha dhaqanka beesha Silcis Gorgaarte oo qaadacay shirka waxgaradka beelaha Soomaalida uga socda Muqdisho
Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Odayasha dhaqanka beesha Silcis Gorgaarte oo qaadacay shirka waxgaradka beelaha Soomaalida uga socda Muqdisho.
Waxgaradka, dhalinyarada, Aqoonyahanada iyo odayaasha dhaqanka beelaha beesha Silcis Gorgoorte oo kulan ku yeeshay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney qaadaceen guud ahaana ka soo hojeedaan shirka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee ay sameysay DKMG Somalia.
War saxaafadeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in beesha Silcis ay mabda ahaan ka soo horjeedo ansixinta dastuurka cusub ee qabyada ah oo ay sheegeen inuu yahay mid khilaafsan shareecada Islaamka, waxayna sheegeen ineysan taageereynin dastuur aan aheyn kan sharecada Islaamka.
Sidoo kale war saxafadeedka ayaa lagu xusay ineysan jirin xubno beesha Silcis Gorgaarte ku metelaya shirka odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay xusay iney jiraan xubno la been abuuray oo dowlada KMG Somalia ay ku sheegtay iney beeshaas uga qeyb galayaan shirka.
Islow Abuukar Islow Maxamed Shiikh oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Silcis oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in Ugaas is caleemo saaray oo been abuur ah aysana aqoon u laheyn dhalasho iyo dhaqana la wadaagin beesha ay dowlada Somalia ka qeyb gelisay shirkaas isagoo wata magaca beesha Silcis, taasna ay tahay mid khalad ah oo laga xumaado, ayna ogeysiinayaan beelaha soomaaliyed ineysan jirin cid beesha Silcis uga qeyb galeysa shirkaas.
“Dhaqanka soo jireenka ah ee boqortooyada beesha Silcis ma lahan Ugaas ee waxaan leenahay Suldaan iyo Islow hadaba waxaan u shegeynaa dhamaan dhaqanka Soomaalida iyo gaar ahaan duubabka dhaqanka Hawiye in ay weydiiyaan ninkan sheeganaya Ugaasnimada beesha halka uu ka soo jeedo, inuu aabihiis ka dhaxlay iyo inuu Cabdalla shideeye ka soo sameystay mansabka uu sheeganayo” ayuu yiri Islow Abuukar Islow Maxamed Shiikh oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Silcis.
“Suldaanimo u dhalasho ayey rabtaa ee .maaha in hotel la tago oo la yiraahdo suldaan ayaan ahay” ayuu sidoo kale yiri Islow Abuukar Islow Maxamed Shiikh.
Sidoo kale waxaa meesha ka Hadley waxgarad kala duwan oo ka tirsan beesha iyagoo sheegay in horey loo arkey in labo wada dhalatay ay wax isla qabsadaan balse arintan ah nin qof uu sheegto dhaqanka beel uusan ka dhalan ay tahay mid ugub ah.
“In nin aan u dhalan beesha Silcis Gorgaarte uu yiraahdo Ugaaskooda ayaan ahay waa ayaan daro, dhaqan koonfurna maaha, ninkan la yiraah Xuseen Maxaad Daa’uud magacaas waa magac Abgaal, silcis lama baxo diin ahaana ma banaano ninka qabiil uusan u dhalan inuu sheegto” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka beesha Silcis oo ka hadlay shirkaas.
Suldaanka beesha Silcis Gorgaarte Suldaan Maxamed Cumarow oo ka beeshaas uga qeyb galay shirkii Mbagathi ee 7 sano ka hor lagu soo dhisay DKMG Somalia ayaa kulankaas ka hadlay, isagoo sheegay in beesha Silcis aysan ka qeyb galeynin, isla markaaa ay qaadacday shirka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho.
“Ninkan leh Ugaaska beesha Silcis ayaan ahay ee magaca been abuurka ah ku metelaya beesha waa nin ka soo jeedo Warshiikh, Cadale, raage-Ceelle iyo Biyo-cade marka walaalow dadka aad la degen tahay ayaad wax la leedahay nin dad la degana ma sheegan karo mansab Ugaas isku xishoo ayaan leenahay” ayuu yiri Suldaanka beesha Silcis Gorgaarte Suldaan Maxamed Cumarow.
Xubnaha ka qeyb galay shirkaas ay isugu yimaadeen beesha Silcis ayaa waxaa ka mid ah:-
1-Suldaan Maxamed Cumarow
2-Islow Abuukar Islow Maxamed
3-Shiikh Mukhtaar Shiikh cali
4-Ibraahim Maye Xaaji
5-Drs. Catarey Abuukar Axmed.
6-Islaaw Cali Maxamed.
7-Inj Abdi salaan Shiikh Saalax
8-Dr Cismaan Ibraahim Fiile
9-Dr. Ismaaciil Xuseen Maxaad
10-Dr. Abdiwaxid Shiikh Saalax
11-Caaqil Maxamed Cabdulqaadir
12-Xaawo Maxamed Cusmaan
13-Dawlo Shiikh Saalax
14-Abdiwahaab Maxamed Cumar.
15-Ibraahim Shiikh Cumar
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|