Somali News
    Hees  

Dood cilmiyeed looga hadlayay sida loo xoojin karo tubta toosan ee Nabada, ammaankana looga shaqeyn karo oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dood cilmiyeed looga hadlayay sida loo xoojin karo tubta toosan ee Nabada, ammaankana looga shaqeyn karo oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Dood cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo tubta toosan ee Nabada loogana wada shaqeyn karo ammaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal haween oo ka socday Qeybaha ururada haweenka.

Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo soo qaban qaabiyay dood cilmiyeedkan ayaa ujeedadiisa aheyd sidii haweenka ay door muuqda uga qaadan lahaa dhinaca nabada, ammaanka iyo horumarka bulshada.

Gudoomiyaha degmada Warta Nabada ahna Gudoomiyaha Haweenka UYS Deeqo C/qaadir Axmed oo ugu horeyn furtay dood cilmiyeedka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in aan dib loogu laaban fowadadii 1992-dii, xilligaas oo dalka soo maray bur bur, dhibaato iyo colaad.

"Danteena kuma jirto inaan xilligii 1992-dii aan dib ugu laabano, dalka waxaa uu soo maray xilligaas bur bur, dhibaato iyo colaad, abaaro, caruurtii xilligaas dhalatay hada waa 20-jir, in dhibaatadaas alle dib noogu celin"ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed oo ku baaqday in bulshada ay u kacaan horumarka ganacsi.

Xaawo Maxamuud Cali Xaawo Kiin ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay la yimaadaan midnimo dhab ah, si dalka uga qeyb qaataan xasilinta, iyadoo xustay in haweenka ay xalin karaan hadii la dagaalamo, iyadoo tusaale u soo qaadatay in waayihii hore gabdho la is dhaafsan jiray si godobta loo tir-tiro.

Raxmo Dahir Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Gudiga Haweenka UYS ayaa tibaaxday in is qab qabsiga dowladda dhexdeeda ay faa'ido u tahay Shabaab, isla markaana hal weji la lahaado, sio meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab.

Mulki Dahir Xirsi ayaa iyana tilmaamtay in sida kaliya ee kalsooni iyo wada shaqeyn uga dhaxeyn karto dowladda iyo shacabka ay tahay in dowladda ugu horeyn abuurto kalsooni, shacabkana uu dowladda kala shaqeeyo ammaanka iyo xasiloonida.

Sidoo kale Luul Warsame Guuleed iyo Faadumo Axmed Geeddi ayaa soo jeedisay in sida looga bixi karo KMG ay tahay in shacabka fahmo dhibaatada uu leeyahay, isla markaana loo gudbo qaran rasmi ah.

Jawhaari Barqab oo ka mid ah Haweenka Qurba-joogta, kana tirsan Gudiga Haweenka Bilic soo celinta ayaa ku ammaantay Hey'adda UYS dadaalka had iyo jeer ay bulshada geliso, ee dhinaca wacyi gelinta, waxaana ay xustay in cinwaanka uu xambaarsan yahay dood cilmiyeedka uu yahay mid loo baahan yahay, nabada iyo ammaankana uu ka turjumayo, iyadoo tix gabay ay ku cabireysay xaalada dalka iyo dhibaatooyinka uu soo maray ka jeedisay kulanka.

Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Dahir ayaa sheegtay in haweenka had iyo jeer ay hormuud u yihiin bulshada, waxaana ay tibaaxday in haweenka Soomaaliyed ay guul ka soo hoyeen ciyaarihii K/koleyga ee ka dhacay dalka Qadar, isla markaana hada ay rajeynayaan in ciyaaraha Olimbikada lagu qabanayo London ay guul ka soo hoyn doonaan.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan ayaa waxaa uu ka mid ahaa kulamo Hey'adda UYS ay u qabaneysay qeybaha bulshada rayidka sida haweenka iyo odayaasha dhaqanka.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)