Somali News
    Hees  

Ra'iisul wasaare Gaas oo diiday xil ka qaadistii Madaxweyne Shariif uu ku sameeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho

Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra'iisul wasaare Gaas oo diiday xil ka qaadistii Madaxweyne Shariif uu ku sameeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Raisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa diiday xilka ka qaadis uu madaxweyne Shariif maalmo ka hor ku sameeyey Maareeyaha dekeda Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle oo xilkaas hayey labadii sano ee u dambaysay.

Shir ay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku yeesheen Ra'iisul wasaare Gaas iyo Maareeyaya Dekadda Muqdisho ayaa la iskula soo qaaday arrimo badan, iyadoo xiligaasi wax yar kadib uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Vila Somalia ayaa sheegaya Madaxweyne Shariif uu ku adkeysanayo inuu xilka wareejiyo maareeyaha dekeda Muqdisho Sayid Cali, isagoo sheegay inuu magacaabayo Mareeye cusub oo ay yeelato dekeda Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in arintaas uu ka soo hojeestay Raisul wasaare Gaas oo isagu ku doodaya in lagu jiro xilli kala guur ah oo la filayo in isbedelo ay dhacaan aysana habooneyn xiligan oo kale xil la qaado.

Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ayaa arrintaan si weyn uga doodaya, waxayna kulamo ay yeesheen ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in maanta kulan kale oo arintaas ku saabsan ay u balansan yihiin madaxda sare ee Dowladda KMG ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)