Somali News
    Hees  

Hay'adda WFP oo sheegtay inay Magaalada Baladweyne ka furaneyso Xafiiska ugu weyn Howlgalkeeda Gobalada dhexe

Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay'adda WFP oo sheegtay inay Magaalada Baladweyne ka furaneyso Xafiiska ugu weyn Howlgalkeeda Gobalada dhexe.

Ilaa 7 xubnood oo isugu jira saraakiil Somali iyo ajnabi kana socday Hay,ada WFP ayaa manta gaaray magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan.

Saraakiishan ka socotay barnaamijka Cunta adduunka WFP ee manta soo gaaray magaalada baladweyne oo isla manta kulan kula qaatay Xaruunta WFP maamulka Gobalka iyo qeybaha bulshada waxaana ay balanqaaday in ay gobalka hiiraan ka bilaabi doonaan mashaaric isugu jirta dhinacyada gargaarka iyo hormarinta.

Madaxa WFP bartamaha Somaliya Yusa Misae oo ka mid ahaa xubnahii goobta ka hadlay ayaa sheegay in bisha soo socota WFP ay magaalada baladweyne ka bilaabi doonto mashaaric isugu jirta dhismaha Garoonka diyaaradaha iyo barnaamji shaqo cunto ku badalasho oo magaalada baladweyne lagu hormarinaayo.

Mr.Yusea oo dhalashadiisu ay tahay dalka Japan ayaa sidoo kale sheegay in todobaadka soo socda uu Gobalka Hiiraan imaandoon Safiirka Japan ee Magalada Nairobi si uu qiimeyn ugu sameyo xaalada nolosha ee dadka Gobalka Hiiraan.

Maamulka Gobalka Hiiraan oo kulanka kala qeybgalay Saraakiisha WFP iyo Hay,adaha Madaniga ee Magaalada Baladweyne ayaa goobtu waxaa uu ka sheegay in amniga magaalada uu suganyahay isla markaana laysku haleen karo nabadgalyada dgaanada ay gacanta ku hayaan maamulka.

Waa markii sadaxaad oo masuuliyiinta ka socota laamaha QM ay yimaadaan Magaalada Baladweyne Mudo 4 bilood gudahooda, islamarkaana balamo aan waxba ka fulin ay dadka magaalada u sameeyaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)