Somali News
    Hees  

Golaha Baarlamaanka Banadir State oo maanta ansixiyay Wasiiradii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siiriin

Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Baarlamaanka Banadir State oo maanta ansixiyay Wasiiradii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Siiriin

Kulan aad u ballaaran oo ay yeesheen golaha baarlamaanka Banaadir State ayaa si rasmi ah looga ansixiyay xubnihii wasiirada ee dhawaan Madaxweynaha soo magacaabay, kulanka oo ay kasoo qeyb galeen ku dhowaad boqol xildhibaan ayaa cod gacantaag ah oo si waadix ah loogu ansixiyay.

Ugu horeyn waxaa furay kulanka gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Xasan Axmed Muudeey oo usoo bandhigay Ajandihii ansixinta, ka dib na waxaa hadalka la wareegay, Madaxweynaha Banadir State Mudane Maxamed C/raxmaan Cali (SIIRIIN) waxa uuna baarlamaanka u aqriyay magacyaddii Wasiirada ka dibna ku yiri “Waxaa la iddiinka codsanayaa in aad codkiina kalsoonida aad siisaan, islamarkaana xaq u leh inaad diidaan,” ka dibna waxaa la gudda galay Cod u qaadida ansixinta.

Intaas ka dib Mudanayaasha Baarlamaanka Banadir State ayaa Bilaabay In ay codka Kalsoonida si Gacanta taag ah ku ansixiyaan, waxaana Ansixisay (90) Sagaashan (2) labana waa ay ka Aamustay, sidaasi ayeeyna ansax ku noqdeen Gollaha wasiiradda Banadir State, sida uu kusoo qatimay Gudoomiyaha baarlamaanka.

Ka dib waxaa la guda gallay in la dhaariyo waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Baarlamaanka Dhaariyay wasiirka Garsoorka & Arimaha Diinta Mudane Cali Calasow Xasan, ka dibna Wasiirka ayaa si wadajir ah u wada dhaariyay Gollaha Wasiiradda Banadir State.

Intaa ka dib waxaa hadal dar daaran ah Wasiiradda u jeediyay Guddoomiyha Baarlamaanka Mudane Xasan Axmed Muudey oo yiri “ manta wixii ka danbeeya waxaa la iddiinka rabaa in aad wasaaradihiina Soo dhistaan oo aad howl qabataan Shacabkan dhibaateysan wax tar taanm dhibka Muqdisho waxa uu ka taagan yahay Labadda Shabelle & Muqdisho state keena Intaas ayuu maamullaa waana hubaa in wax badan Xasilayo hadaad si wadjir ah ku shaqeysaan”.

Sidoo kale waxaa Qudbad gaaban oo wax badan ka hadleysay jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Banadir State Mudane Maxamed Sheeq Xasan, isagoo sheegay n manta ay tahay maalin taariiqi ah, “maaddama ay Gollaha Baarlamaanka Kalsooni iddiin siiyeen waxaan aniguna iddiinkula Dar daarmi lahaa in aad shaqeysaan oo wax badan qabataan.

Ugu danbeyntii waxaa qudbad Xasaasi ah soo jeediyay Madaxweynaha Banadir State isagoo sheegay in lagu guuleestay dhismaha Dowlad goboleedka Banadir “dhamaan qabaaillada waan ku qancinay Dhismaha Xoogaa Dowladda ayaa si hoose wax u jiraan balse hada ayaan si toos ah u gudda galeynaa sii wadidda hore usii socoshadda dhameestirka wixii noo haray”.

Gaba gabaddii waxaa si jawi farxadeed usoo gaba gaboobay kulankaasi oo si farxad leh lagu kala tagay.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)