Somali News
    Hees  

Wafdigii WFP ee Maanta Baladweyne gaaray oo galinkii dambe ee maanta dib Nairobi ugu noqday

Mogadishu Arbaco 9 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wafdi ka socday Hay'adda WFP oo Baladweyne booqday si ay uu qiimeeyaan xaalada Amaanka iyo Nolosha dadka ayaa isla galinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Nairobi.

Wafdigan oo la kulmay maamulka Heer Gobal iyo Degmo sidoo kale NGOda ayaa sheegay in bisha soo socota magaalada Baladweyne ay Hay'adda WFP ka bilaabi doonto mashaaric hormarin oo wax badan ka tari doono magaalada iyo deeganada kale ee Alshabaab la qorsheenayo in laga xureeyo.

Ururka alshabaab ayaa ka mamnuucay magaalada baladweyne dhamaan Hay'addihii ka howlgali jiray Gobalka Hiiraan kadib markii ay qaar ka tirsan hay'addahaas uu ururka Alshabaab boobay dhamaan agabkii ay Hay'addaha ku howlgali jireen.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)