Somali News
    Hees  

Dalalka ku bahoobay Hay'adda Booliska adduunka oo Talyaaniga ku yeeshay kulan ku saabsan Soomaaliya

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dalalka ku bahoobay Hay'adda Booliska adduunka oo Talyaaniga ku yeeshay kulan ku saabsan Soomaaliya

Dalalka ku jira Hay'adda Booliiska Aduunka ee Inter Boole ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga ku yeelan doona shir ay uga hadlayaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna sidii loo tayeynlahaa Booliiska Soomaaliyeed oo uu xiligan ku socdo dib u dhis xoogan dibna loogu soo celin lahaa awoodii ay lahaayeen.

C/Samad Macallim Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu wehliyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayadoo wafdigaasina ay Soomaaliya shirkaasi u metelayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga DFS Mudane C/samad Macalin Maxamuud ayaa intii uusan ka ambibixin magaalada Muqdisho kula hadlay Warbaahinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in shirkan oo ah shir sanadle ah uu yahay sanadkaan mid Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska caalamka u wada shaqeyn lahaayeen iyo qodobo kale.

Shirkan ayaa soconaya mudo Laba cisho ayaa 5ta bishan wuxuu ka furmayaa xarunta Hay'adda Inter Pol ee magaalada Rome, waxaana mudada uu soconayo la filayaa in looga hadlo qodobo muhiim u ah wadashaqeynta Booliiska Soomaaliya iyo Booliska Caalamka.

Dhinaca kale mudooyinkii ugu dambeeyey Soomaaliya ayaa si aad ah uga dhex muuqata fagaareyaasha Caalamka, bacdamaa dalka Soomaaliya uu ka baxay xilligii KMG ahaa una dhalatay Dowladda rasmiga ah ee u dhalatay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)